Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Barud12 on October 23, 2015, 11:40:58 AM
-
Asc bahda Somalidoc waxan why wiil 22 bir ah oo qurbaha ku nook qaba warwar farabadan oo taagan hadana sifiican uma aqaan walwalkaas waxa uu yahay
Dadkii iyo asxaabtiina waan ka dhumanaya iyo intii itaqanayba maxan smeeya
-
Welwelka wax ka baro marka hore oo iska fiiri in aad leedahay astaamaha ku xusan qoraalkaan wax ka mid ah: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5865.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5865.0.html)
Kadib faahfaahin dheeraad ah naga sii xaaladaada, kadib wixii talo nala haboon waan kugu siyaadin karnaa insha'llah.
-
Waxan idinku salamaya slanta islamka Asalamu alaykum ...salan kadib waxan kaga mahad celinaya jabwabta ad isiisay iyo warbixinta ad isoo dirtay wll
Sifiican ayaan ufahmay waxyaabo badan oo Iga maqnaa ayan ka fa iiday marka hada sifiican ayaan kuugu sheegi karaa.....
Waana sidan xanuun an kacabanaya
**walwal an xad lahayn iyo walaac iyo shakibadan iyo giisanaan iyo xanuun nerveha qoorta iyo xididada dhafoorka iyo madaxa oo aan ka dareemayo cadaadis gudaha ah iyo debedaba oo maqaarka iyo xididada aad u qalafsan **muruqyada oo Mar marka qaar way ibood boodaan si dhaqsa. Culays madaxa an ka daremo iyo kabuubyo farabadan oo jidhka oo dhan .
Daal farabadan iyo tamar la aan marka qaar aan is qaadi kar? waayo iyo burbur jirka ah iyo firfircooni la aan
*Madax xanuun
Marku madaxa i xanuuna nerfiska dhaforka,xididada madaxa gala iyo maskaxdoodhan baa i kacda adna Ii xanuuna . Waanan matagaa.
Wadnaha oon xanuun ka dareemo inay qodax igaga taagan tahay iyo laabta bidix oon Culays ka dareemo
waxaanan itaa aan kor ku soo xusay marka walwalka laga reeb xanuunada jidhka isku arkay 3bilod 2bilood
Waxa taa si dheer gargariir marka aan dadka lajoogo ama asxaabta gargariirkasi gacmaha iyo lugaha. ?yo wajiga oo i casaada oo an moodo inuu i dhiig roogsanyay iyo kacsanan ama dagaananshiyo la aan iyo cabsi xad dhaaf ah
Kalsooni la aan .
?yo dhawakh markasta waxbaa iskaga kay qasan fahan la aan dabeecada a? iyo habdhaqankayga
Tusaale wax Baan bilabaya markan inyar wado wan ka tagaya wax doona hayga hor is ragaane waxba waan laqasan kar? layay
1 walwalka
Waxaan ka warwaraa intabadan wax baad qaldi ama waad fashilmi
Ama hadi ad wax qalado waa lagu caayi ama canaan baa kaga iman
Hal shay hadi an qaldo waxan naftay ku canaanaya maxad u qaladay inaad sidaa samaysa may ahayn imika dadku waad ku dhex fadeexawday
Waxa dhacdaba ?nta badan inaan wax qaldaba sababta aytay waxa Iga dhaadhacsan wax haysku qadin sida inaad danbi galayo ama gaf oo kale
?naan xanaaqayga an isku cidhiidhyo
*xasuustayda oo aad u liidata
?yo ilowsho xad dhaaf ah
Xusuus la aan
An dareemayo madhnaan
Ama inaan half ahay
Tusaale ahaan waxan raba inan tago aldi/tukaanka oon wax ka soo iibsado anigoo an si fiican u sii hubsan ayan tagaya ka dib markaan tukaanka tago waxa laga yaba inaan boorsadii lacagta ka imi ... Waxan ku soo noqonayaa guriga markaan guri imaado een soo galo niyow horta Maxaad u soo niqotay mmmmm saacad Baan iska dhexbadhayaa mar danbe ayaan soo xasuusanaya haa hadaan gartay show lacagtii baad ilowday .... Hadii waxaan markii hore soo iloway dhawr shay ahaayeen waxa lagayaba inaan marlabaad qaar kale soo ilaawayba
**wiixi todobadkii tagay an qabtay ama xafiday waxay igu tahy bilo kahor
Adkaan xasuusta markaan is idhaaba zasuusta dib u celiyo culus ba dareemayaa
*Tusaale kale xisaabta markaan wax tirinayo oon aad ugu çel celiyo ad an ugu dawakho
Salaada oo mar mar qaar an kashikiyo inaan dhamays tirin rakcadaha
#Tuusale hadii an ku siiyo hadi an imika wax kuu sheego manta bari waxa laga yaba inaan hadaana marlabaa isla shaygii kuu sheego aniga way Iga baxaysaa malintii hore in aan ku shegay #Maskaxdayduna waa mashquul markasta
Waxa kaloo jirta inay maskaxday fikir soo noq noda ama ay fikirado qaldan ku soo dhacaan kadib aan aad u naxo ama cadoodo
-
asc bahda somali doc wad salamatihiin dacwa yar ayaan qaba waxaan boga soodhigay 7aadkii hore dhibyar oo i haysta ilaa iyo walina wax jawaaba idinkama hayo
-
Marka hore waxaan alle kaaga baryayaa xanuunka iyo culeyska ku saaran inuu kaa qaado.
Marka labaad waad ku mahadsan tahay sida tafatiran ee aad u tilmaantay astaamaha xanuunkaaga.
Intaa ka dib xanuunada maskaxda ku dhaco way kala duwan yihiin, badankood marka ay bilaabmayaan si fudud ayay ku bilaabmaan, kadib waxay saamayn ku yeeshaan nolosha guud oo idil haddii aad laga gaarin ama la xakamayn.
Hada sida ka muuqato cabashadaada waxaad dareemaysaa in qeyb kasta oo nolosha ka mid ah in ay saameyn ku reebtay ha ahaato, xagii fakarka, xasuusta, garashada, dareenka, foojignaanta iyo waxa fahmidda iyo falaanqaynta waxyaabaha kugu hareeraysan.
Sida ka muuqatane waxay kulli salka ku hayaan welwelka oo ah mid udub dhexaad u ah in uu kaa hor istaago shaqo kasta oo aad qaban lahayd.
Welwelka oo noocyo kala duwan leh laakiin markuu sidaan noqdo oo uu nolosha dhinac walba ka saameeyo oo aadan tillaab qaadi karin ilaa in aad welwesho mooyee waxaa loo yaqaanaa "Generelazied Anxiety Disorder".
Intaa ka dib xanuunka markuu sidaan oo kale noqdo, laguma xalliyo kaliya daawo ama cirabado loo qaato waa in la adeegsadaa dhowr hab oo kala duwan oo lagu xallin karo dhibaatada uu ku hayo nolol maalmeedka qofka.
Halkaan ka akhriso hababka kala duwan ee lagu xalliyo xanuunada maskaxda: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1859.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1859.0.html)
Sidaas awgeed waxaad u baahan tahay in aad la xiriirtid dhakhtar aqoon u leh xanuuandaan iyo sida ugu haboon ee loola tacaali karo, dhakhtarkaasi waa inuu noqdaa dhakhtar "Psychiatrist" ah, isagaa kadib la kaashan karo dhakhaatiirta kale oo u baahdo.
Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa.