Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Siciido Sanka on November 20, 2017, 10:31:37 PM

Title: Su'aal: Waxaan soo toosaa indhaha oo i qallalan?
Post by: Siciido Sanka on November 20, 2017, 10:31:37 PM
asc Dr waxa LA ixanuunaya indhaha marka seexdo waxa soo toosaya Indhaha oo iqalalan her aaan waxba arkayn mudo dhowr daqiiiqo ah iftiinka saaid buu idhibayaa qoraxda way idhibaysa
dhakhatar baa utagay wuxuu idhahay elergy Baku haya labo gooyo oo elergy asbuuc isoo qoray iyo ookiyalaha qoraxda alx 3bil baa fiiicnaday laakin sidii bay inoqdeen hadana ookiyalahana waxba Ima taro!
isoo jawaaab Dr allaha khayr haku siiye
Title: Re: Su'aal: Waxaan soo toosaa indhaha oo i qallalan?
Post by: SomaliDoc on November 27, 2018, 06:34:05 PM
Indho qallaylka lala soo tooso waxaa keeni kara dhowr waxyaabood oo ay ka mid tahay:
1- in aad ka mid tahay dadka jiifta iyagoo indhahoodu safiican u xirnayn, weliba meesha aad jiifto ay cimilladeedu kulushahay ama iyadoo marwaxad kuu daaran.
2- In qanjirrada ilinta soo daayo inay xiran yihiin "lacrimal glands" taasoo keeni karta in indhuhu ku qallalaan.
3- Haddii aad qaadanaysid daawooyinka qaar sida kuwa xasaasiyadda loo qaato.
4- Xasaasiyaddu way keentaa laakiin badanaa waxaa la socdo cuncun, indhaha oo gaduudan, qofkane wuxuu dareemayaa in indhaha wax kaga jiraan.

Haddii cilladaadu mida 1-aad tahay waa inaad wajiga daboolataa markaad jiifanaysid, haddii midda 2-aad tahayne waa inaad dhakhtar u tagtaa si laguu wiisiteeyaa, haddii midda sadaxaad tahayne, jooji daawooyinka aad qaadatid si aad u aragtid inuu isbadal jiro, haddii midda sadaxaad tahayne waxaa laga yaabaa in daawada laguu soo qoray u baahan tahay in lagaa badalo ee dhakhtarka la xiriir.