Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Fatim binti Mukhtar on March 14, 2018, 10:09:40 PM

Title: Su'aal: Wajigayga xidadiisa ayaa muuqdo?
Post by: Fatim binti Mukhtar on March 14, 2018, 10:09:40 PM
Asc Dr waan ku salamaya intaas ka dhib hadan suasheyda u gudbo aniga wajigeyga xidhidadiisa ayaa aad u muuqdo  ayagoo gaduudan aad moodid ine dhiig ku tagan yihiin siibo markan kululaado  iyo markaan xanaaqo wajiga wuu i gadudanaya taas waxaaba ii dheer xidhidihi wajiga oo muuqdo rux kale nh kuma arag inta rux aan arkaaye mxaad u malesa ine tahay waxaas cml dictore
Title: Re: Su'aal: Wajigayga xidadiisa ayaa muuqdo?
Post by: SomaliDoc on December 16, 2018, 10:11:09 PM
Wajigaaga oo gaduuto, xididadane soo muuqdaan horayne aadan iskugu arki jirin waxaa keeni kara daawooyinka la isku caddeeyo ee wajiga la mariyo, haddii aadan daawo isticmaalinne waxaa keeni kara haddii cunaha cadaadis kaa saaran yahay sida xanuunka burada thryoid-ka, haddii xididada bararsan ay maashashka ku aadan yihiin waxaa badanaa soo bixiyo cadaadiska iyo stress-ka.

Dadka qaar way dabiici in xididadooda ay muqudaan, dhibne tilmaan uma ahan, laakiin haddii ay welwel kugu hayso arintaan fadlan la xiriir dhakhtarka guud ama midka maqaarka.