Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Mumtaz19 on March 12, 2019, 05:01:12 PM

Title: Su'aal: Cuno xanuun iyo calool xanuun?
Post by: Mumtaz19 on March 12, 2019, 05:01:12 PM
Asc, waan idin salamayaa dhamaan dhakhaatiirta sharafta leh. Waad ku mahadsantiin sidaad heeganka ugu jirtaan ummadiina, jazaakallah khair.

Intaa ka dib waxaan ka cabanayaa xanuun cunaha ah, waxaad moodaa in cuna wax iga tagan yihiin oo hadaan wax kasta cuno iga dhaqaaqayn, wuu i bararsan yahay subixiina iyagoo isku kay dhegsan baan soo kacaa waxaan leeyahay ur fara badan oo afkayga ka soo baxaysa hadaan cadaydo iyo haddi kaleba iyo kulayl badan oo afka, daal fara badan, garbo xanuun, jidhkoo idil ahaan i xanuunaya, bilaa awood, indhaha oo i daalayaa calooshoo i istaagaysa, hadaan yara cadhoodo ama fikiro cunuhu wuu sii xanuunaya, biyaha milixda lehna markaan ku luqluqdo way iga daraanba sidii ay cadhoonayaan afkuna aad buu ii uraya. 2014kii baa igu horeysay ee an sidaa isku arko. Marmar baan ka raystaa oo uu dhowr bilood iga maqnaada markaasna waxan cunaha iga mudan wuu iga ba'aa inta kale wuu ila jooggaa xanuunkaasi. Isoo jawaaba idinkoo mahadsan jazakallaah.
Title: Re: Su'aal: Cuno xanuun iyo calool xanuun?
Post by: SomaliDoc on February 09, 2020, 12:37:41 PM
Walaal qaabka aad u tilmaamaysid xanuunkaaga wuxuu iila egyahay caabuqa quumanka ee "Tonsillitis", waa xanuun dadka qaarkood ku soo noqnoqdo, hadduu qofka 3 jeer uu qabto halkii sano oo sidaasne isku arko 2 sano oo xiriir ah waxaa lagu la taliyaa inuu iska saaro khaaasatan caruurta. halkaan ka akhriso qoraal ku saabsan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1116.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=1116.0)