Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on January 27, 2016, 09:45:24 AM

Title: Su'aal: Waxaan ka fikiraa mar walbo nolosheeyda mustaqbalka?
Post by: Ashom on January 27, 2016, 09:45:24 AM
Waad mahad santihiin  Somalidoc.com
 waxaan ka fikiraa mar walbo nolosheeyda mustaqbal ka waliba si xad dhaaf ah.
 waa caroodaa markaan arko qof fursad heeysto ee hadana nolosha ka dhacsan oo u dhaqmaya sidii qof aan caqli haba yaraatee aana laheeyn.
 waxaan mar walbo ku taagan maskax deeda lacag,hormar,xaas wanaagsan,guri fiican. nolol macaan oo qurux badan.
hadana  mahaayo ama mahelin jid aan u maro . ha ahaato shaqo,kaalmo, ama  lacag intaba . tii allah na waa  gooni. arin kaas maskax deeyda wax ma u dhimi karaa??? . markaan dad ka   u soo ban dhigo wax yaabaha qalbigeeyga  kujiro ama aan ku riyoo nayo inteey qoslaan ayeey i dhahaan waa la arki doonaa ,waa isla joognaa, iyo erayo aan qalbiga u rooneeyn .  sidoo kale qof walbo waxoo i dhahaa waad walan rabtaa ama waad ku waalanee, laakiin xageeyga waxaan isla ahay (caadi)normal . maxaa ka dhihi laheeyd  somalidoc.com xaalada nuucaas ah. mahadsanid
Title: Re: Su'aal: Waxaan ka fikiraa mar walbo nolosheeyda mustaqbalka?
Post by: SomaliDoc on February 06, 2016, 02:25:24 PM
Haddii fakarkaaga iyo hamigaaga uu yahay mid ku xadidan awoodaada oo wixii suura gali kara iyo waxii aan suuragal noqon karin kuu kala cad yihiin wax dhib ah ma keento.
Laakiin dhibka wuxuu imaadaa markii hamigaaga uu noqdo mid dhalanteed ah oo adigoo jidkii haynin aad ku riyooto in aad gaari doontid sida aad rabtid, taasi haddii ay jirto waxay keeni kartaa diiqo iyo welwel iyo niyad jab, haddii ay wax hagaagai waayaan.

Marka dadaal waana la faray, naftaada wixii ay jeceshahay waad ugu sheekeyn kartaa laakiin mar kasta ahow qof alle ku xiran oo xisaabta aad isku dhufanayso, wax kuma imaadaan badanaa, fakarkaaguna yuusan noqon mid waaqica ka baxsan oo dhalanteed ah.

Dadka waxa ay ku leeyihiin waxba haka soo qaadin, laakiin adiga noqo qof haya jidka aad ku gaari lahayd nolosha aad ku riyoonayso, ilaahayne wuu ku kaalmaynayaa haddii aad dadaal la timaado.
Dad baa meel ku gaaray waxbarasho, dadbaa meel ku gaaray iyo shaqo iyo xamaalasho, dad baa meel ku gaaray fakray iyo wax curin ama hal abuuris, jidadku way badan yihiin.
Title: Re: Su'aal: Waxaan ka fikiraa mar walbo nolosheeyda mustaqbalka?
Post by: Ashom on February 07, 2016, 05:38:52 PM
Thank you very much