Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Shuraymbarre on March 07, 2016, 10:34:07 PM

Title: Su'aal: waa maxay garba wareegsiga?
Post by: Shuraymbarre on March 07, 2016, 10:34:07 PM
Bismilah een su ashayda waxa ay tahay wamaxay garba wareegsiga?
Hadi an si bayaaniyo  marka qofka uu dagalamayo ama u gacan turayo waxa wareegto garabka hadaba maxa sababa arintaas maxase lagu daaben kara ?
Jwb wcn
Title: Re: Su'aal: waa maxay garba wareegsiga?
Post by: SomaliDoc on March 18, 2016, 11:36:19 AM
Garabka oo wareegsado waa kalabax ku yimaado kalagoyska garabka, waxaana loo yaqaanaa "Dislocation", badanaa marka ugu horreeyo waxay ku billaabataa jug xoog leh oo dhaawac gaarsiiso seedaha garabka isku hayo, laakiin kadib haddii uu qofka safiican uga bogsan dhowr jeer oo dambe wuu isku arki karaa inay garabka uu wareegsado.
Marmarka qaar xalku wuxuu noqdaa qalliin lagu xoojinaayo seedaha ama xijiyayaasha garabka.