Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Badriya on March 25, 2010, 06:32:37 PM
-
Insert Quote
asc walayaal khayr ale ha inoga siiyo jawabihina waxlaal su aa shaydu waxa weeyi marka an uurka leyahay habeenki badanaa dibiro iyo lab dilaac faro badan kadib labdilaaca mataga madaga oo is ku badala madow u dhadhama sida birto kadib dhiig cas hadana wax madow ood modo uus o kale bur bur la socdo marka an inta matago labta aad i xanuunta waxba ma cabi karo waxba ma cuni karo malinta yo dhan waxayna igu dhacda marka an uurka leyahay su aal kale iyadna wax ajirta in habeenki neeftu cidhiidhi igu tahay iyo marka an socdo jasakumala khyrn ig aso jahil bixiya
-
Laab dillaaca ama laabjeexa waa calaamado badanaa ay ka sheegtaan uurreyda.
Waxay kaloo calaamad u noqon kartaa cudurka gaastarikada.
Laab dillaaca waxuu ku badanyahay haweenka sida uur ka badan lex bilood maadaama culeeska uu kordhay, cadaadis badanne la saaray caloosha taasoo keenta laabjeex iyo in hooyadii aysan cunno badan cuni karin.
Laakiin haddii laabdillaaca uu wato sida ad sheegtay matag dhiig ah, dibbiro, daaco badan ama iyadoo ku dhibta, hur calaalacalaha iyo cagaha ah waa calaamad gaas oo waxaad u baahantahay in dhakhtar sida ugu dhakhsiyaha badan ugu tagtid si laguula tacaalo.
Waa cudur loo daaweyn karo si sahlan laakiin haddii aan la daaweyn wuxuu keeni karaa dhibaatooyin badan.