Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdi Axmed on March 25, 2015, 12:22:23 PM

Title: Su'aal: Sidee loo daweeyaa caano gocatada?
Post by: Abdi Axmed on March 25, 2015, 12:22:23 PM
Asc dhamaan docterada halkan ku sugan waxan leeyahay waad salaamantihiin salaan ka bacdi,
Waxa iga soo baxay finan yar yar markay tarikhdu ahayd 2013,
hadaba finankani waxay iga soo baxeen qadaadka markay soo baxayeen waxay ahaayeen kuwo aad u xanuun badan  markay week igu oolaayeen waxay isu badaleen nabaroo waawayn oo malax fadhido oo xumad leh oo aan laga fadhiyi karin markay sanad igu oolaayeen way bogsadeen lkn sidaa kumay tegine way soo yara buurnaadaan hadana dubay u shiikhaan ilaa hadana way igu yaalaan laakiin hada waaxay igu hayaan xanuun kaas ah margiyadaa dambe ee qadaadka

Allaa mahad iska lleh
Title: Re: Su'aal: Sidee loo daweeyaa caano gocatada?
Post by: SomaliDoc on March 30, 2015, 02:13:52 PM
Qaabka aad u tilmaantay nabarro dhowr ayaa qadaadka ka soo baxo, waxa keenane way kala duwan yihiin, waxay noqon karaa, jeermiska bakteeriyada, jeermiska fangaska ama nooc ka mid ah xanuunka loo yaqaano "Eczema".

Waxaa habboonaan lahayd in dheecaan laga qaado oo la baaro ama la beero si loo ogaado daawada wax kaa tari karto, waxaa kaloo muhiim ah in aad aragtid takhtar aqoon u leh oo kala sooci karo xanuunada qadaadka ku sameeyo nabraha.

Caafimaad ayaan kuu rajaynayaa