Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Hamda121 on May 13, 2016, 06:59:24 AM

Title: Su'aal: Dhibatada ey leedahay biyaha chlorinka lagu daro?
Post by: Hamda121 on May 13, 2016, 06:59:24 AM
asc dhamaan dhaqaatiirta salan kadib waxan rabaa inaad noga fa'ideysaan clorinka lagu darsanayo biyaha sameynta u cafimadka kuleyaha? madama ey aad u sticmalan soomaalida ku nol dalka wamahdsantihiin asc
Title: Re: Su'aal: Dhibatada ey leedahay biyaha chlorinka lagu daro?
Post by: SomaliDoc on June 01, 2016, 08:36:21 PM
(http://somalidoc.com/Topics/koloriin.png)

Kolariinta lagu daro biyaha meelo badan oo dunida ayaa lagu isticmaalaa oo haamaha biyaha lagu keediyo ayaa lagula daraa, kadibne biyihii oo la soo daaweeyay ayaa tubooyinka la soo mariyaa, laakiin soomaaliya maadaama uusan jirin badanaa nidaam biyo keydin dowlad ama xarun caafimaad maamusho, waxaa loo qybiyaa dadka budo ama kaniini kolariin ka samaysan oo biyaha la cabo lagu darsado.

Kolariinta waa jeermis dile loogu talagalay inay biyaha lagu sifeeyo, laakiin cabbir loogu daro biyaha ayaa jiro, haddii si qaldan loo isticmaalo waa lagu sumoobaa oo waxaa la dareemaa wadna garaac, feero xanuun, indho cuncun, qufac iyo dhaqaska oo qofka ku dhago.

Maadaama daawadaan aanan looga maarmin dhinaca caafimaadka, waa in cabbirka saxda ah loogu darsadaa biyaha, hay'adaha keeno wadankane waa in sharaxaad waafi ah ka siiyeen dadka loo qeybinayo ama soo gadanayo.

Akhriso Faa'iidooyinka Caafimaad ee Cabitaanka Biyaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5971.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5971.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)