Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Sayid Cali Cumar on July 09, 2016, 09:59:15 PM

Title: Su'aal: Waa maxay hydrocele?
Post by: Sayid Cali Cumar on July 09, 2016, 09:59:15 PM
Asc dhamaan bahda somalidoc  waxan idin leeyahay qayr badan alle ha idin siiyo. hadaan uso noqdo su,aashayda ditore  dhaqtar baa wuxuu iga sheegay hydrocele  yacni ultrasound ayuu ku ogaaday kadib wuxuu iyidhi waa qaliin waa ka tagay. Midkale ayaan u tagay asna wuxuu yidhi waxba ma qabtid . Mid sexaad asna qaliin maaha. marka ditore hydrocele dawo aan qaliin lahayn ma leeyahay muxuuse yahay hydrocele. Hadii la qalayo waa sidee qaliinkiisu thanks ditore.....
Title: Re: Su'aal: Waa maxay hydrocele?
Post by: SomaliDoc on August 31, 2016, 08:29:52 PM
Hydrocele waa biyo ku samaysmo qooraha, tanoo ka timaado in unugyada lakabka hoose qooraha oo biyo sameeyo, qalliinkane waa in biyahaas la soo saaro, lakabkaasne la gadiyo si uusan biyaha gudaha ugu shubin, xaalad kasta lama qalo, xaaladaha fudud farahaa laga qaadaa inay iska baaba'do ayaa laga yaabaa, sida kaa muuqato haddiiba ay dhakhaatiirtii isku khilaafeen, faraha ka qaad inay iska baaba'do ayaa laga yaabaa, haddii aad siigaysatid fadlan jooji.