Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdul Shakur on April 29, 2015, 05:09:23 PM

Title: Su'aalo: Nabro malax leh? Qawadka? Miisaan Yari?
Post by: Abdul Shakur on April 29, 2015, 05:09:23 PM
ac wr wb
waan salaamayaa bahda dhakhaatiirta somalidoc.
adinkoo iga raali ah waxaan qabaa 3 su'aalood ee jawaab iga siiya insha allaah.

1. xaaskeyga ayaa waxaa indhaha baararkooda hoose iyo kuwooda sareba ka soo baxay nabro yar-yar oo kuuskuusan oo afka dheecaan ama maal yar oo cad ku wata. way cuncunayaan wayna xoqdaa? cudurkaas magaciisa maxaa la yiraah maxaanse ku dawayn karnaa?

2. waxaan qabaa qawad mudo dheer iga hari waayey oo igu soo noqnoqday dhakhtar kastana waan u tagay lacagtanaway iga qaataan dawo ayun bay ii qoraan, waliba waxaan joogaa wadan aan somalia ahayn (carabaha) oo leh system caafimaad oo wanaagsan. hadana inta aan dawada isticmaalayo wuu iga tagaa cudurku, alle mahadi marka ay dawada dhamaatona wuu soo laabtaa qawadu, maxaan yeelaa muxuuse yahay nooca qawadkaasi?

3. dhererkeyga waa 1.81 miisaankeygana waa 69 culeyseyga ama miisaan ahaan dhererkeyga aad baan uga hooseeyaa maxaan sameeyaa sideen kor ugu qaadi karaa miisaankeyga oo aan ku gaarsiin karaa qiyaasta ku haboon?

mahadsandin
Title: Re: Su'aalo: Nabro malax leh? Qawadka? Miisaan Yari?
Post by: SomaliDoc on May 02, 2015, 01:45:20 PM
Nabraha aad tilmaantay waxyaabo badan ayay noqon karaan, infekshan bakteeriyo maqaarka gashay way dhici kartaa, caabuq allerji salka ku hayane wuu noqon karaa, xanuun fangas uu keenayne wuu noqon karaa, waxaa muhiim ah in la arko nabrahaas iyo dheecaanka nooca uu yahay si loo ogaado.

Midda qawadka ku saabsan, halkaan ka akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2313.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2313.0.html)

Haddii miisaanka aad sheegtay aad ku haysato caafimaad buuxa, qasab ma ahan in aad gaarsiiso heerka aad rajaynayso, laakiin haddii aad rabto in aad miisaankaaga kordhiso, ku dadaal in aad cunto cunno isku dheelli-tiran, samay jimicsi, balwada haddii aad leedahayne jooji, hurdo kugu filane cun, si dabiici ah ayaa miisaan caafimaad leh ku helaysaa.

Ha u dhawaanin daawooyinka la yiraahdo waa lagu cayilaa, dhibaato ayay kuu keeni karaan.