Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Msaxane on August 01, 2016, 11:25:39 PM

Title: Su'aal: Geedka Ashwagandha?
Post by: Msaxane on August 01, 2016, 11:25:39 PM
Bahda Somali doc anoo marka hore ugu mahadcelinaya sida ay bulshada afsomaliga ku hadasha uga haqabtiraad jawaabaha baahidooda caafimaad iyo cilmiyo kaleba,
Waxan maanta idin waydiin lahaa waxa aad nooga sheegi kartaan geedhka la dheho Ashwagandha ee ah dhirta dunidu wax ka qorto beryahan, sida Moringa oo aad hore uga soo hadasheen.
Hadaba mida aan arkay waxa weeye geedkan ashwagandha wuxu ka baxaa oo ku badan yahay halka aan joogo ee magaalada Burco si dabiici ah,
Lamana yaqaan oo lama isticmaalo xataa magac looma yaqaan.
Bal hadaba iisoo faahfaahiya.
Waad mahadsantihiin
Title: Re: Su'aal: Geedka Ashwagandha?
Post by: SomaliDoc on October 01, 2016, 03:35:11 PM
Ashwagandha waa geed mirihiisa iyo xididkiisa loo adeegsado daawo ahaan, waxaal agu daaweeyaa kalagoysyo xanuunka, welwelka, awood yarida, hrudo xumida iyo sare u qaadista difaaca jirka.

Waxaa aad wax ugu daaweeyo qolada barato cilmiga "Ayuverdic medicine", waxay kaloo sheegaan inuu u fiican yahay qanjirka thyroid-ka, maskaxda iyo neerfaha.

Laakiin warbixin faahfaahsan ayaan ka soo diyaarin doonnaa insha'llah ee fadlan noo soo sawir geedka aad tilmaantay si aan u ogaanno inuu Ashwangandha uu yahay iyo in kale.