Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: Kamal on March 11, 2008, 09:44:28 AM

Title: Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) - Qeybta 1-aad
Post by: Kamal on March 11, 2008, 09:44:28 AM
(http://img.wikinut.com/img/layl1i5_ekw_v176/jpeg/724x5000/Herbs.jpeg)

Waxaan qoraalka idiinka soo gubiyay  Buugg uu qoray nin Somali ah oo la  qoray 1984, waxuu u shaqayn jira  AKADEEMIYADDA CILMIGA IYO FANKA   ee dowladdii hore ee Somali.
bal  aan is waydiino wax yaala Somaliddu  dawada u isticmaalan, sidda waxa caloosha lagu bixiyo, bahalka qaniinka,kabida qof jabay, baanashada umusha iyo waxa lagu daryeelo, dhiig joojin maxay u isticmaali kareen qaas ahaan dhalmadda, ilko toosin (sida cadayga)
Suaal Muhiim: hadii ay reer galbeedka,Asianka, iyo Arabta naga ii biyaan waxalaha dawadda maxay Somali wax u Qooshi wayday iyanna  ::)

Carmo:
 
waa geed mira yar yar oo la cuni karo leh,oo kuwa bunka u eg,kalka ay geedka ku yaaliin,inta ay bislaan miruhi oo cagaar ka yihiin baa biyo lagu kari yaa,ka dib waa laga miraa,oo la qaboojiyaa inta dacar fal ahaan loo cabin,caleenta carmadda waa la qaliyaa,oo la tumaa, kadib dabqaad dhuxul ah baa lagu shubaa caleentiisa la budeeyay, sida luubaanta,qofka hargabka iyo xumadda haysa ayaa hoosta loo galiyaa dabqaadkii oo caleentii carmadda qaceedii ka dulluumayo,sida fooxa,buste baa la huwiyaa qofka, si uumigu udgoon ee carmadda u diiriyo oogadda qofka.

Dacarta:


xaskusha bay u eg tahay araga guud,dhulka bannaan iyo balliyadda bay ka baxdaa,aalaaba,caleemo  ballaaran oo buruq iyo dhacaan casi ka buuxa buu leeyahay geedkaas, laf iyo mayrax toona ma leh,marka ay gahayrto laantu hoos ayay laantu hoos bay u godantaa,way engegtaa ka dibna geedka ka godaa,Ubax kali ah oo labo mitir dherer le eg ayaa baa kor uga dhex baxa caleenta dacarta,sida hooto waran,
ereyga dacar micnihiisu waa calool xanuun, qaras,kharaar, dheecaanka dacarta aad buu qaraar yahay,sidaas la adligeedbaa geedka loogu bixiyaya dacar,
caleenteeda qalalan dadka duumadda qaba ayaa lagu uumiyaa,waa la tumaa oo budda laga dhigaa,markaas baa biyo lagu daraa oo la miiro, la cabsiiyaa qofka qarasbixinta u baahan,
dacarta waxaa kale oo laga sameeyaa sunta dugaaga lagu laayo, dhecaanka dacarta oo aan biyo lagu barxin baa loo mariyaa hilibka lagu dagayo dugaga.

Galool:


waa geed dheer oo ka baxa dhulka sare iyo godbaha mulaaxa laamaha aan weli gahayrin baa la ruugsiiyaa qofka la dacar falayo,dhacaanka mulaaxa oo macaan dhanaan xigeen ah waa la liqaa,caana geel ama ari ama fuud baan la cabbaa goortu ay caloosho socota ka bacdi,sida ay yiraahdeen dhiryaqanaddu,cunno qalafsan lama siiyo intii beri ama labo bari ah, si ayan caloosha u joojin,.

Jaleelo ama salamako:


waa geed gaaban oo ka baxa dhulka banaan, sida balliyada nugaaleed, xididiisa yar yar baa rujiyaa ama caleenta, qoraxda baa lagu qalijiyaa oo la tumaa,ka dib caano lo'aan ama ari baa lagu  kariyaa oo la qaboojiyaa,si xididdada gufarkoodu weelka salkiisu ugu ururo oo dureeruhu u miirmo,qofka la qaras bixinayo ayaa markaas la cabsiyaa.

Kulan:


waa  geed dawooyin badan laga sameeyo,oo yaaq ama canjeel u eg,qodxihiisa moyee,caleenta kulanku waligeed ma engento oo waa abaar ku noole geedku, mulaaxadda cad ee laamaha baa biyo lagu kariyaa,sida jeeladda,ka dibna waa la miraa oo la cabaa,miro sida kuwa bunka  u  eg kase waa wayn ayaa ka baxa geedka kulanka.xagaagii buu mireeyaa kulanka, casaan iyo madow isku dhafan weeye midabka miruhu,kolka ay bislaadaan dhuguc guduudan bay korka uga ekedaan, qolof adag  oo beer saliid leh hoosta uga jiro, sida lawka,bay miruhu gudaha ku leeyihiin, miraha bisil biyo baa lagu kariyaa,sonkor ama malab baa lagu daraa, si loo macaaneeyo dhadhanka dureeraha ay qabowdo baa hadba in yar laga cabaa, si loo socodsiiyo caloosha,beerka iyo kelyahana dheef bay siisaa sida ay sheegeen geeda kari yayaalku.

Murcanyo:

waa geed dherer iyo toos uga baxa dhulka sare, miro yar yar oo guduudan kolka ay bisladaan oo la cuno baa ka baxa murcanyadda xidido casaan xigeen ah oo yar yar buu lee yahay geedku, iyagaana la rujiyaa oo la tumaa, oo dhacaankooda bay ku rafaaqaan, sida bunka, nabarka caalinka ah ama markaas cusub ayaa lagu dhejiyaa raqaaqa murcanyahha, oo loo daayaa qorraxadu ha qalijisee, malaxada iyo dhacaanka ayaa  rafaaqu ka soo nugaa nabarka, waan engejiyaa oo sifeeyaa meesha bukta iyo agagaarkeeda.

Waa sii soctaa...
Title: Re: Dhirta Daawadda leh (Geedo karis)
Post by: SomaliDoc on March 12, 2008, 07:07:45 AM
Walaal Kamal, aad ayaa ugu mahadsantahay qoraallada noocaan oo kale ee aad soo gudbisid.
Geedo karisku waa nooc ka mid ah sida ay somalidu isku daaweyso ama waxa loo yaqaano "Alternative Medicine", lakin waxaa si sax ah u isticmaali kara qofkii aqoon u leh geedaha.
Title: Re: Dhirta Daawadda leh (Geedo karis)
Post by: Pharmacist on March 13, 2008, 10:02:00 PM
aad ayaa u mahadsantahay kamal inkastoo nasiib xumo geedaha aad ka sheekeysay aanan mid ka garaneyn!!!

WHO waxa ay ku qiyaastaa ku dhawaad 80% oo ka tirsan dadka ku nool dunida in ay ku tiirsanyihiin geedo daaweedka.
Shiinaha oo ah wadanka ku caan baxay geedo daaweedka wuxuu isticmaalaa 5000 nooc oo geedo ah, kuwaasoo lagu daaweeyo 40% ka tirsan dadka ku nool magaalooyinka, 90% oo ka mid ah dadka ku nool miyiga.

Hadii aan is barbardhigno dhakhaatiirta ka liis garaysan wasaaradda caafimaadka ee dalka india waxaa badan kuwa qora geedo daaweedka oo gaaraya ilaa 400,000. kuwa kalane ay yihiin 332,000.

Daawooyinka la yaqaano oo farmashiyada lagu gado qaar badan oo ka mid ah waxaa laga soo saaray geedaha, kuwaasoo gaaraya ilaa 120 geed.

Hadii aan tusaale ahaan u sheego daawooyinka geedaha laga soo saaray:
1-Asprin 2-Quinine 3-Atropine 4-Codeine 5-Digoxin 6-Ephedrine 7-L-Dopa 8-Morphine 9-Scopolamine 10-Theophylline

Pharmacist
Title: Re: Dhirta Daawadda leh (Geedo karis)
Post by: Dr.Adnan on August 23, 2009, 01:58:59 AM
Mudada aan isticmaalay websitkan maan arkin qoraalkan tayada leh, waad ku mahadsantahay kamal.
Title: Re: Dhirta Daawadda leh (Geedo karis) - Qeybta 1-aad
Post by: Jirow on July 16, 2016, 06:55:35 PM
Ustaad buuga magaciisa aya doonaya inta badan dhirta aan wada garanaya