Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Yabdi on November 12, 2010, 11:45:03 PM
-
salaan ka dib waxaan qabaa xanuun xagga caloosha ama bogga ah oo haddii aan cunto cuno waqti dambe oo aan seexdo waa soo matagaa,waxaan isku dayay inaan daqaatiir la xiriiro waxaan tagay meelo badan sida talyaaniga jarmalka finlad holan aan daganahay iyo waliba meelo kale walina xal ma aan helin sida badan waxaan qabaa daaco badan oo markii aan daacdo waan roonayaa marka waxaa iigu daran soonki oo haddii aan afurayo wax yar ka badan ma cuni karo oo ma dharjin karo caloosha oo waxaan la kulmayaa daaco ugu dambeeyna matag mahadsanidiin jazaakumullaahi
-
Waxay u badantahay waxa ku haayo Gaas.
Gaaska calaamadihiisa waxaa ka mid ah matag markii cunno aad cuntid, dibbiro, dharagga, bog hur, laabjeex iyo daaco badan.
halkaan ka akhriso waxa gaas uu yahay?
http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=405.0)