Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdulkadiralii on December 27, 2015, 10:04:24 AM

Title: Su'aal: Tabar yari xagga galmada ah?
Post by: Abdulkadiralii on December 27, 2015, 10:04:24 AM
ASC,

Marka hore aad ayaan idin kugu mahad celinayaa sida aad dadka u wacyi gelisaan, waxaan jeclaa inaan idin waydiiyo su'aashan:

Waxaan joogaa Xamar waxaan ahay lab, 30 iyo dhowr jir ah, weli ma guursan lkn waxaan ka cabsanayaa tabar darri galmada ah, xubinta taranku in uu jilicsanyahay aan dareemayaa oo uusan xoog lahayn, ma toosna ee wuu yaraha fooraraa oo in gacanta lagu qabto uu u baahanyahay, markii farjiga lagu riixana dhexda ayuu ka jebaa oo ka laamaa, biyahana isla markiiba waa imaanayaan, xitaa mararka qaar anoo salaaxid wada ayay imaanayaan. Waxaan muddo gacanta isaga keeni jiray shahwada, hadda waayadan waxaan isku arkay kacsi yari, dhowr mar ayaan qudbo siro sameeyay lkn weli guur caadi ah ma gelin maxaa yeelay waxaan ka baqaa in aan fashilmo, Soomaaliya wax galmada ku saabsan dhaqtar haddii aad u shegto waa ku dhibsanaa, tankale dhaqtarka dad aa la jooga marka aad qolka ugu geleysid taasna way kaa xishood siinee, Fadlan ila tali hadda qorshe guur aan ku jiraa waana cabsanaa.
Title: Re: Su'aal: Tabar yari xagga galmada ah?
Post by: SomaliDoc on January 14, 2016, 02:25:16 PM
Abdulkadir marka hore cabsida iska daa, howlgabka kacsiga iyo hami yarida waxa ugu horeeya ee keena waa sterss-ka iyo welwelka ku saabsan "amaad fashilantaa ama aad howl qaban waysaa".
Intaa ka dib, siigeysiga wuxuu ka mid yahay waxyaabaha keena cilladahaan iyo kuwa kalaba, daawadiisuna waa in aad joojisaa, ka akhriso halkaan waxyaabaha ay keento siigeysashada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html)
Waxaad kaloo u baahan tahay in aad fikrad ka qaadatid marka hore holgabka kacsiga iyo waxyaabaha keeno iyo siyaabaha aad ula tacaali kartid, akhriso: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html)
Waxaad kaloo akhrisataa qoraal aan uga hadlanya waxyaabaha dabiiciga ah ee ragga u roon: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5937.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5937.0.html)

Intaa ka dib haddii aad su'aalo kale qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha.