Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Jamaal on September 12, 2011, 07:39:17 PM

Title: Su,aaal Ku saabsan Vitamin C ???
Post by: Jamaal on September 12, 2011, 07:39:17 PM
Asc walala waxaa idin weydiinayaa  Waxaaan isku arakay faraha meesha cidiyaha in ay kor usocdaaan
dada baan weeydiiyay waxay i dhaheen Vitamin C baaa ku yar maxaa ka jira arkinaas ???

Vitamin C  hadii uu iiigu yar yahay maxaa la gu gartaa ????

maxaase lagu daaweeyaaa ???

Cuntatee la ga  helaa  Vitamin C ?? oo la iiga baahayahay in aan cuno maalintiii ????

hadii Vitamin C ii gu yar yahay jirkeega ??? maxaa dhib ah  la kulimi karaaa ?? Caafimaad ahaaaan ??

wsc
Title: Re: Su,aaal Ku saabsan Vitamin C ???
Post by: SomaliDoc on September 20, 2011, 05:23:17 PM
(http://stanford25.files.wordpress.com/2010/06/mmhe_04_039_01_eps.gif)

Cidiyaha meesha ay faraha ka galaan oo kor u soo fooca waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa: Nail Clubbing.

Waa isbadal ku dhaca cidiyaha taasoo calaamad u ah cudurro dhowr ah oo kala duwan sida: xanuunada wadnaha iyo sanbabada ku dhaca badankood.

Waxaa jira dad ay cidiyaha sidaa ka noqdaan sababo aan la fahmin taasoo u dhiganta 60% dadka qaba cidiyo fooca.

Badanaa markii bukaanka lagu arko cidiyaha oo is badalo waxay takhaatiirtu baaritaan ugu dhaqaaqaan sidii ay ugaan lahaayeen cillada ka dambeysa arintaan taasoo badanaa laga bilaabo in bukaanka wareysi lala yeesho, iyadoo si gaar ah looga wareesto haddii ay jiraan xanuunno la xiriiro sanbabada, wadnaha, uurkujirta kadib ayaa waxaa lagu sameeyaa fiisito muuqaaleed dhameestiran iyadoo la isku dayayo in la garto meesha cilladaan ay ka jirto, waxaa kaloo laga yaabaa in raajo laguu diro.

Xanuunnada ay cilladaan cidiya soo foocsan ay la socdaan waxaa ka mid ah: Kansarka sanbabada, qaaxada, sanbab malaxawga, Burunkiitada malaxda leh, Cudurrada oksajiinka jirka ku yareeyo, Ilmaha ku dhasho cillad xaga wadnaha ah, Caabuqa ku dhaco dahaarka wadnaha, Wax nuugis la'aanta xiidmaha caloosha, Cudurka boogoobidda xiidmaha, Beer xanuunka, Kansarka jiidanka, Qanjirak toroodhka oo kacsan, xanuunnada ku dhaca xididada iyo burada ka soo baxdo qanjirka Thmus iyo Cilladaha ku dhaca hemogloobinka.

Sidaa darteed haddii xanuunkaan aad isku aragtay la xiriir takhtar si laguu baaro loona ogaado inuu jiro xanuun hada laga hortagi karo.