Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on December 21, 2012, 08:37:27 PM

Title: Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?
Post by: CilmiSabca on December 21, 2012, 08:37:27 PM
Asc dhamaan tiin. Sln ka dib.
Dhakhtar, waxaa muddooyinkaan la sheegayaa in baaritaano lagu sameeyey daawooyinka indhaha, waxaana la sheegayaa in ay dib u soo baxeen timihii indhaha iyadoo indhaha lagu daaweynayey, waxaa kale oo la sheegay in ay dad Bidaar lahaa madaxa ku shub shubeen koojooyinka indhaha, muddo ka dibna lagu arkay timo yaleex ama xaad ah oo cusub.
Marka Doctor, maxaad kala socotaa daawoonkaan indhaha ee timaha soo nooleeya ee la sheegayo?
Title: Re: Daawada Indhaha: ma loo isticmaali karaa soo nooleynta Timaha daatay?
Post by: SomaliDoc on January 02, 2013, 10:07:40 PM
Warkaasi waxbaa ka jira, goojada loo yaqaano "Lumigan" laguna daaweeyo cudurka "Glucoma" ama cudurka cadaadiska indhaha, ayaa la arkay in ay koriso tinta indhaha sidaa darteed cilmibaariyaal ayaa waxay u arkeen arintaan, haddii lagu guuleyso mid daawo u noqon karto bidaarta, waxayna bilaabeen in baaris ku sameeyaan, hadane wax rasmi ahaan loo adeegsado ama loo shaaciyay ma jiraan oo baaris ayay wadeen, aan aragno wixii lagu soo gabagabeeyo.