Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on August 13, 2011, 04:56:59 AM

Title: Su'aal: Siigeysi-ga ma keenaa hawl gab kacsi?
Post by: CilmiSabca on August 13, 2011, 04:56:59 AM
Asc dhaqaatiir & aqyaarey. Sln ka dib. Doctor muran ku saabsan waxa loo yaqaan Siigeysiga (masturbation) ayaan soo arkay, waxan ka bacdi is idhi jawaabta waxad ka heleysaa SomaliDoctor Insha Allah. Doctor Waxa lagu murmayey in:
   ¤ siigeysigu uu ka macaan yahay galmada!
    ¤ in siigeysiga uu ka hawl yar yahay galmada uuna diyaar yahay mar walba!
    ¤ siigeysiga ma bar baryeysid sida naagtaada ama sxbtaa!
    ¤ siigeysiga looma baahna qalab & lacag la bixiyo, waxa ku filan kaliya crames, soap + saliid!.  Kd kw... So and so!
Laakiin marna lagu ma murmin:
  > inuu cimriga dadajiyo.
  > inuu caafimaadka xubinta iyo qofka-ba baabi'yo, Iyo inuu aqlaaqda & Iimaanka garaafeeyo!
Haddaba dhaqtar qofka siigeystaa dhibaatooyinka sugaya caafimaadkiisa maxa ka mid ah? Siigeysigu nooc kasta ha ahaadee hawl gab kacsi ma keenaa? (Future impotence or future break-down?) Ilaahay cidhib xumadiisa ha naga fogeeyee.
Fadlan su'aashan aqoon korodhsi ayaan kaga dan leeyahay, cidii u aragta in aan webka ku saaqiday ha iga raali ahaato. Please excuse me if I'm wrong. Waxana rajeynayaa inaan dishibiliinka ku xadgudbin. Waad wada mahadsan tihiin. Ramadaan kariim. madaan kariim.
Title: Re: Su'aal: Siigeysi-ga ma keenaa hawl gab kacsi?
Post by: SomaliDoc on August 21, 2011, 01:27:20 PM
Siigeysasho ama waxa loo yaqaanno "masturbation" waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo xubnihiisa taranka.

Caadeysiga siigeysashada waxay keentaa dhawr dhibaato oo caafimaad darro ah oo ay ka mid yihiin:
1- Daal iyo tabardarri joogto ah
2- Xanuun dhabarka qeybtiisa hoose ah
3- Timaha oo yaraadaan ama daataan
4- Kacsi la'aan iyo biyo-bax degdeg ah (Hawlgabka kacsiga ee dhalinta)
5- Aragga oo caad yeesho
6- Bisqinleyda iyo xiniinyaha oo xanuuna
7- Xanuun iyo casiraad laga dareemo moqor miskeedka iyo dabaqanaanta.
8- Qofku wuu ku walfi karaa oo dhib ayay hadhowdii ku noqoneysaa in uu iska gooyo caadadaan.
9- Wuxuu kaloo keenaa waxa loo yaqaano "Semen leakage" oo ah in biyuhu soo dareeraan iyadoo wax dareen kacsi ah uusan jirin.
10- Dhibaato nafsaani ah sida hilmaamidda iyo xifdin la'aanta.
Title: Re: Su'aal: Siigeysi-ga ma keenaa hawl gab kacsi?
Post by: Yahye Omar on April 02, 2015, 11:04:59 AM
Fadlan qofka dhibkani haysto khaasatan hamo yare iyo xaaskiisa oo aanu qancin karin maxaa u dawo ah?!!!
Title: Re: Su'aal: Siigeysi-ga ma keenaa hawl gab kacsi?
Post by: SomaliDoc on April 02, 2015, 04:14:42 PM
Wixii u daawo ah, halkaan ka akhri: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,625.0.html)