Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Caydarus on February 02, 2016, 04:24:07 PM

Title: Su'aal: Gastric iyo Stress?
Post by: Caydarus on February 02, 2016, 04:24:07 PM
Asc somali  gastaric ga in uu kaco maka qeyb qaataa fakirka badan iyo stresska saaid ka ah
Title: Re: Su'aal: Gastric iyo Stress?
Post by: SomaliDoc on February 15, 2016, 10:08:50 PM
(http://somalidoc.com/Topics/gaastress.png)

Waa maxay Gaaska Stress-ka?
Waxaan maanta ka hadlayaa xanuunka gaaska oo ka dhasho stress-ka iyo welwelka, waana nooca ugu badan ee ay ka cabato bulshada soomaaliyeed, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Stress-induced Gastritis" oo ah "gaaska ka yimaado stress-ka.

Stress-ka iyo fakarka wuxuu kiciyaan dheecaanno ka qeyb qaato soo daynta ama siyaadinta aashitada caloosha ku jirto, waxaana dheecaandaas ka mid ah kuwa loo yaqaano "Gastrin iyo Histmain", haddii ay dheecaanadaas kacaan, waxay calooshu soo daysaa aashito ama acid badan, tan oo haddii ay joogto ahaato keeni karto in ay dhaawac gaarsiiso xuubka caloosha ku dahaaran oo eebe ugu tala galay xifdinta unguyada caloosha, haddii xuubkaas uu baaba'o waxaa dhaawac gaaraa unguyadaas sidaas ayuuna qofka gaaska ugu kacaa, waxaa imaan karo boog calooleed, taasoo iyadane loo yaqaano "Stress ulcer" wuxuuna dareemaa qofka bog xanuun, cadaadiska dhiiga oo hoos u dhaco, matag dhiig leh, saxarada oo madaw noqoto.
Stress-ka wuxuu ugu horeeyaa waxyaabaha soomaalida ku kiciyo gaaska, markii laga reebo cunno xumada, daawooyinka la iska qaato iyo bakteeriyada "H. Pylori".
Gaaska stress-ka waxuu kaloo ku dhacaa dadka soo gaaraan dhaawacyada halista ah sida gubashada, dhaawacyada maskaxda, infekshanka siyaadada ah iyo howlgabka xubin ka mid ah jirta sida kilyaha ama beerka.

QOfka sidaan u xanuunsan ama leh gaaska noocaan ah, daawadiisu ma ahan kaliya daawada gaaska ee la yaqaano waa in loogu daraa daawo dajiso oo qofka ka hortagta inuu stress ku kaco, waana arrin wax badan looga gartay dadka noocaan ah.

QOraallo muhiim ah:
Akhriso waxa gaaska uu yahay iyo astaamaha lagu garto: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,405.0.html)
Akhriso waxa bakteeriyada H. Pylori ay tahay: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3391.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3391.0.html)
Akhriso cunnooyinka gaaska u roon: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5963.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5963.0.html)

Waa muhiim in aad dhakhtarkaaga la socodsiisid haddii ay jiraan wax ku welwelinayo ama fakar kugu hayo, si daawayntaadu ay waxtar u yeelato, haddii aad farmashiyaha daawo ka soo gadatid, cilladii dhabta ahaydne aadan xal u helin, hadhow daawada waa la qabsanaysaa, daawayntane waxay noqonaysaa kumeel gaar.

Ogow haddii stress uu jiro, kadibna gaas uu kugu kaco, stress-ka wuu sii siyaadaa, gaaskane wuu ka sii daraa.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Gastric iyo Stress?
Post by: Maanka007 on February 16, 2016, 06:41:17 PM
jazaakallaahu qeyran qeryra jazaak. dhaqta ilaah hakaa abaal mariyo, in badana waan ka faadiday qoraalkan alxamdulilah.

MAHADSANID. Wll