Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Brhn20 on October 11, 2011, 08:57:52 AM

Title: Su'aal: Qofka dhac dhacayo markuu socdo?
Post by: Brhn20 on October 11, 2011, 08:57:52 AM
Dhaman waad salamantihin  dhaqtarada a s c           aniga aabahay wuxu ka cabanaya dhac dhacid.   marka u rabo in u socdo mar dhanka midigta ayu u  dhacaya  marka kale bidix ayu u dhacaya aso dib isku celinaya.  ani ahaantey waxan u maleey in u hayo {loss of weight  } wuxu kale u ka  cabanaya lugaha habeenki  waxey noqodaan qaboow/kuleel kuleelkas na u ma dulqadan karo iyo qabowga saidka ah. Marku kulel daremo wuxu leeyahay baaf biyo igu shuba an lugaha gishtee! marka mudo ka so waregatay 1 sano aya waxa la saaray computer si loo baaro. waxay no sheegeen in dhac- dhacidaan  ay keentay nafaqo daro. Nafaqo ila hada wan siina lkn wax is bedel ma arkin  
Title: Re: Su'aal: Qofka dhac dhacayo markuu socdo?
Post by: SomaliDoc on October 15, 2011, 06:04:10 PM
Aabo meeqo sano ayuu jiraa?
Maleeyahay laleemo iyo gacmaha uu ruxmo?
Xanuunkaan goormuu ku billawday? qaabka uu ku billawday marka ugu horreysay sidee buu ahaa?
Ka waran xagga dareenka lugaha iyo gacmaha? ma dareemayaa kabuubyo? Xanuun murqaha qaybta dambe ee lugaha ma leeyahay?

Fadlan warbixin dheeraad ah naga sii?
Title: Re: Su'aal: Qofka dhac dhacayo markuu socdo?
Post by: Brhn20 on October 16, 2011, 06:43:24 AM
Aabo meeqo sano ayuu jiraa?
Maleeyahay laleemo iyo gacmaha uu ruxmo?
Xanuunkaan goormuu ku billawday? qaabka uu ku billawday marka ugu horreysay sidee buu ahaa?
Ka waran xagga dareenka lugaha iyo gacmaha? ma dareemayaa kabuubyo? Xanuun murqaha qaybta dambe ee lugaha ma leeyahay?

Fadlan warbixin dheeraad ah naga sii?
aabe da'diisu wa 65 sano.  ma laha laleemo ama gacmaha oo ruxmaan abe cilad kale malaha lkn lugaha aya dhib ku hayakaliya.  Waxey ku bilaameen xanuunkan 3 sano ka hor. Qaabka u uga bilawday waxa weye qaboow iyo kuleel 1 sano kadib dhacdhacid ayaa said ku noqotay. Marki ugu horeysay wu fiicna  nin shaqeysanayo ayu ahaa. Dareenkisa luga iyo gacmaha wa ok kabaabiyo malaha lkn waxu leyahay murqaha oo xanuna.waxa taas si dheer seedaha lugaha iyo gacmaha mar mar ayee soo kaduudanaya.   
Title: Re: Su'aal: Qofka dhac dhacayo markuu socdo?
Post by: SomaliDoc on October 29, 2011, 11:38:22 AM
Haddii dhacdhacidda ay tahay mid aan la socon wareer iyo diidis iyo qofka oo indho madoobaado waxay u badantahay in ay la socoto cillad lugaha taasoo noqon karto cillad xaga neerfaha lugaha ah taasoo lagu fahmi karo dareenkaan hurka iyo kuleelka ah uu dareemayo, marka waxaa fiicnaan laheyd in aad la xiriirto takhtar aqoon fiican u leh cudurrada neerfaha ku dhaco si loo ogaado cilladaan, cudurrada ugu caansan ee dila neerfaha lugaha waxaa ka mid cudurka sonkorowga.

Waxay kaloo noqon kartaa in xididada yaryar aysan dhiig ku filan gaarsiin karin xubnaha lugaha taasoo qofka uu ka dareemo kabuubyo iyo in marmarka qaar uusanba dareemin in lugaha ay ku yaallaan oo markuu istaago is dhaho waad dhici rabtaayee is celi, tani wxay ka imaan kartaa xididada yaryar oo xirmo, xinjir awgeed ama cillad kalaba.

si xanuunka loo fahmo la xiriir takhtar aqoon leh, maxaa yeelay waxa aad ka sheekeynayso maahan xanuu nka dhalan karo nafaqo darro kaliya ama miisaanka oo lumo.