Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on October 28, 2011, 06:27:36 PM

Title: Su'aal: Ilkaha Oo Isku Dul Baxay, Ma Cilad Baa?.
Post by: CilmiSabca on October 28, 2011, 06:27:36 PM
As Salaamu Caleykum Walaalayaal & Dhakhaatiir?
Salaan ka dib.
Dhakhtar (SomaliDoc or Dentist) waxa jira walaalahay qaarkood oo leh ILKO ISKU DUL BAXAY
(ilkihii hore ee ku meel gaadhka ahaa {KMG}, oo aan iskood u dhicin ayaa waxaa ka soo dul baxay ilkaha  dambe ee rasmiga ah).
Gaar ahaan waxa ay ka soo dul baxeen ilkaha la yidhaahdo MICIYAHA ee dhanka sare, qaarkood waa kuwo qaab daran oo qal qaloocan, inta badana qofku ma qoslo amaba ma dhoola caddeeyo, sababtuna waa ilkaha oo qaabkooda la qarina hayo! Xataa haddii la qariyo waa kuwo ka soo muuqda dibinta sare dhinacyadeeda.
-> Haddaba Dhakhtar, ilkaha KMG oo aan dhicin xiligii ay caadiyan iska dhici jireen, maxaa u sabab ah?
Sidoo kale waxaan arkay dad ayan 4ta mici midna u dhicin, isla markaana aysan ka soo bixin ilkihii rasmiga ahaa, waxaanay ku doodayaan in ay tani tahay DHAXAL. Calaa kuli xaal Dhakhtar Talo iga sii waana aad MAHADSAN TAHAY.
Salaama Allaah.
Title: Re: Su'aal: Ilkaha Oo Isku Dul Baxay, Ma Cilad Baa?.
Post by: SomaliDoc on October 29, 2011, 06:07:39 PM
(http://somalidoc.com/Topics/lakab.png)

Ilkaha marka ay soo baxayaan waxay ka soo baxaan meelo loogu talagalay, haddii iliktii horay ugu taallay oo ku meelgaarka ahayd ay aad u xoogantahay oo iliktii joogtada ahayd ay soo riixi wayso oo dhicin wayso waxaa dhacdo in ilkaha cusub ay ka soo hoos baxay oo laba saf kala noqdaan uu qofkane afkiisa u ekaado sidii ilkaha libaax badeedka oo kale.

Haddii sidaa dhacdo waxaa lagula taliyaa qofka in ilkihii hore la saaro, si ilkaha cusub booskoodii ay ugu fadhiistaan wayna dhacdaa badanaa oo uma baahno in la jiidjiido oo si tartiib ah oo bilooyin qaadanayso ayay booskoodii u buuxinayaan iyagoo caawimaad ka helaya carabka oo howshiisaba tahay in ilkaha uu isku aadiyo.

Laakiin haddii markii la arkay cilladaan aan waxna laga qaban oo qofkane ku waynaaday, marki la saaro ilkaha qaldan waxay u baahan karaan in biro lagu xiro si loo saxo, tan oo ka timaado talada dhakhtarka ilkaha.

Tusaale ahaan waxaa miciyaha la badalaa da'da 9-aad illaa 10-aad, haddii isla da'daas uu ku jiro cunugga waxaa habboon in aad la xiriiriso dhakhtar ilko sida ugu dhakhsiyaha badan si ilkaha cusub booskoodu loogu saxo.

Haddii aan sidaa la yeelin ilkaha isku raranka ah waxay keenaan dhibaatooyin caafimaad oo ay ka mid tahay:

Akhriso Cudurka Suuska / Bololka Ilkaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html)

Haddii aad su'aalo caafimaad qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)