Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on August 29, 2015, 11:27:30 AM

Title: Iska daawee Hergabka dhakhtar la'aan
Post by: SomaliDoc on August 29, 2015, 11:27:30 AM
(http://somalidoc.com/Topics/hergab.png)

Waxaan filayaa in dhammaan la wada garanayo waxa Hergabka uu yahay, waa xanuun feyras uu keeno oo lagu garto qandho, qarqaryo, san-durdur, san cabbur, hindhiso, madax xanuun, caajis iyo murqo xanuun.

Waxaa muhiim in aad ogaatid farqiga u dahxeeyo Hergabka iyo Ifilada ama Durayga, ka akhriso halkaan qoraal kuu kala faahfaahinaayo: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2092.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=2092.0)

Maadaama hergabka u ekaan karo cudurro kale oo ay ka mid tahay, sanboorka, burkiitada, oofwareenta, caabuqa sanqada, ka akhriso qoraalladaan waxa ay kaga duwan yihiin hergabka:
1- Oofwareen (Pneumonia): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,615.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,615.0.html)
2- Sanboorka (Rhinitis): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5658.0.html)
3- Neefta (Asthma): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,351.0.html)
4- Caabuqa sanqada (Sinusitis): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5636.0.html)
5- Burunkiito (Bronchitis): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,436.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,436.0.html)
6- Cuna xanuun / Quuman (Tonsillitis): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1116.0.html)
7- Qaaxada / Tiibishada (Tuberculosis): http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,266.0.html)

Ogow hergabka looma qaato daawo qallajite "antibiotic" maadaama waxa keeno aysan bakteeriyo ahayn oo uu feyras yahay, badanaa hergabka waa xanuun iskiis iskaga tago, daawooyinka badanaa loo qaatane waa kuwa caawin ah sida qufaca oo la yareeyo, qandhada oo la jabiyo, hindhisada iyo cuncunka sanka ama dhuunta oo la joojiyo.

Laakiin intaa waxaad u daawayn kartaa hab dabiici ah adigoo aadan qaadan daawo.

Waxaan rabaa in waxyaabaha caafimaad ahaan la ansixiyay oo cilmibaaris lagu sameeyay oo la ogyahay qaabka ay hergabka wax uga taraan in aan idin la wadaago, waxaana ka mid ah:


Way dhici kartaa in ay jiraan habab kale oo aad wax iskaga garatay oo aad u isticmaasho al dagaallanka hergabka, laakiin kuwaan aan kor ku soo xusay waa kuwo ay dadka aad u isticmaalaan, cilmi ahaanne la arakay waxtarkooda.

Ku dadaal in aad raacdid talooyinka dhakhtarkaaga, iska hubi oo baar haddii waxa ku hayo aysan hergab ahayn maadama ay dhici karto in waxyaabo kale ku qaldi kartid.
Haddii talooyinkaan kore aad wax iskaga garan waysid la xiriir dhakhtar si laguu baaro.

Caafimaad baan idiin rajaynayaa.
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)