Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 19, 2017, 11:52:39 AM
-
(http://somalidoc.com/Topics/dhiigbaxcaado.png)
Bismillah,
Haween badan ayaa ka sheegto dhiig-baxa caadada, taasoo macnaheeda ah caadada oo xawli u socoto ama maalmo badan socoto, waxaan hadda ka hor ka hadalnay qoraal ku saabsan cilladaan iyo waxyaabaha keeno oo aad halkaan ka akhrisan kartid: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4157.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4157.0)
Qoraalkaan maanta wuxuu ku saabsan yahay siyaabaha dabiiciga ah ee lagu xaddidi karo caadada tirada badan adigoo adeegsanayo cunnooyinka qaar ka mid ah:
- Qorfe: Qofuhu waa carfiye cuntada lagu darsado wuxuu daawo u yahay xaaladda dhiig-baxa caadada, hal qaado oo qorfo shiidan ayaa lagu darsanayaa koob biyo oo qabaw, waxana la cabayaa sadax jeer maalintii, haddii kale shaah ahaan ayaad u karsan kartaa badalka caleenta shaaha, waxaana cabaysaa 4 jeer maalintii. Akhriso qoraal ku saabsan faa'idooyinka caafimaad ee qorfaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6735.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6735.0)
- Kabsar-Caleen: Kabsarcaleentu waa carfiye kale oo suugada iyo maraqa lagu darsado, biyo ayaa lagu karkarinayaa kadibne cabitaan ahaan ayaa loo cabayaaa 100ml maalintii sadax jeer, waa muhiim inaad isticmaashid cunnada ka dib khaasatan sadaxda maalmood ee ugu horayso caadada.
- Xulbo: Xulbadu waa miro jirka u leh faa'idooyin caafimaad oo muhiim ah, 5 qaaddo waawayn oo xulbo ah ayaa lagu karkarinayaa biyo muddo 10 daqiiqo, kadib waaa la qaboojinayaa waana la kala miirayaa, kadibne maalin kasta ayaad cabaysaa inta caadadu ay socoto waqtiyada cunnada u kala dhaxayso, xanuunka iyo qulqulka dhiigga labaduba way yaraan doonaan insha'llah, akhriso qoraal ku saabsan faa'idooyinka xulbada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4120.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=4120.0)
- Sanjabiil: Sanjabiilku wuxuu daawo u yahay cudurro tiro badan, waxaa cudurradaas ka mid ah dhiig-baxa caadada iyo caado xanuunka, sanjabiilka qoyan ayaa ka waxtar badan kan qallalan, waxaadne u karsanaysaa shaah ahaan, 200 grams oo sanjabiil la hoolay ayaad ku karkarinaysaa nus liter biyo muddo 10 daqiiqo, mana ku daraysid sonkor, kadib biyahaas ayaa cabaysaa 4 jeer maalintii. Akhriso qoraal ku saabsan faa'idooyinka caafimaad ee Sanjabiilka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6530.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6530.0.html)
- Babaay: Babaayga aan safiican u bislaanin wuxuu yareeyaa qulqulka dhiigga caadada iyo calool majiirka, sidiisa ayaa loo cunayaa iyadoo aan waxba lagu darin, aqoon u yeelo faa'dooyinka kale ee geedka babaayga: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6819.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6819.0)
- Sisinta: Sisintu waa miro xambaarsan faa'idooyin caafimaad, waxaanu ka samaysannaa saliid macsarada, markii loo isticmaalayo ku daawaynta caado badnida, 250 grams oo sisin ah oo safiican loo shiiday ayaa lagu qasayaa biyo qandac ah, waxaana la cabayaa subaxii iyo habeenkii laga bilaabo labada maalmood ee caadada ka horayso illaa inta ay socoto, Akhriso faa'idooyinka caafimaad ee Saliid macsarada: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=3195.0)
Ogow qasab ma ahan inaad wada istimcaashid intaas oo idil, waxaad ka dooran kartaa kan kuu fudud adigoo u adeegsanayo qaabka laguu sheegay.
Ogow daawo dhireedkaan waxay ku haboon tahay in la bilaabo maalmaha ka horeeyo caadada si waxtarkoodu u bato.
Ogow waxtar ahaan qorfaha ayaa ugu awood badan liiska aan kor ku xusay.
Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid ku soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
Haddii aad rabtid inaad dhakhtarka la hadashid, ka qeyb qaado barnaamijka "dhakhtarka la tasho": https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/messages/)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)