Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Amiira haaji on September 15, 2017, 12:41:39 PM

Title: Su'aal: Markaan madaxa dhaqdo wuu i xanuunaa?
Post by: Amiira haaji on September 15, 2017, 12:41:39 PM
asc wr wb dhamaan dhaqatirtan meshan ka howl gasho waan idin salamaya illahey ajar ha idinka siiyo wax badan waan idinka faidnay dhaqtar waxan rabaa in aan ogaado markii aan madaxa dhaqdo wuu i xanunaa xanuun dhagaha iyo dhaforada iga qabto ilaa 20 daqiiqo biyo kulul iyo kuwa qabowba waan tijabiyey maxa keeni kara ciladaas ?waan kuu mahadcelinaya illahey abaalkina janno haka dhigo
Title: Re: Su'aal: Markaan madaxa dhaqdo wuu i xanuunaa?
Post by: SomaliDoc on September 19, 2017, 01:00:26 PM
(http://somalidoc.com/Topics/qubeys.png)

Bismillah,

Waxaan qoraalkaan kaga jawaabaynaa madax xanuunka la dareemo markuu qofka madaxa dhaqdo ama qubeysto, taasoo waagii hore la aaminsanaa inuu khaas u yahay dadka qaba goonjabka ama "Migraine", waxaana lagula talin jiray dadkaas inay daawada goonjabka qaataan qubeyska ka hor ama kadib, laakiin cilmibaaris lagu sameeyay dalka Hindiya (India) waxaa la ogaaday in madax xanuunkaan uu yahay mid ka duwan kan goonjabka.

Maxaa keeno madax xanuunka qubeyska?
Wuxuu madax xanuunkaan ka yimaadaa isbadalka heerkulka ku dhaco madaxa markii la dhaqo, cilladaan badanaa waxaa lagu arkaa dumarka, sababtuna waa timaha oo badan iyo madaxa oo daboolan, taasoo madaxa ka dhigayso mid huur ah ama hawadu ku yar tahay, markii madaxa la dhaqo isla markiiba wuu qaboobaa, jirkuna wuxuu isku dayaa in heerkulkii dabiiciga ahaa ee madaxa inuu soo celiyo, taas waxaa ka dhalanayo in murqaha qoorta iyo madaxa isku hayo ay giigsamaan ama kogaan si madaxa loogu soo jiido dhinaca jirka oo diirrimaad u helo, halkaas ayuuna xanuunka ka yimaadaa.

Sidee loo dareemaa madax xanuunkaan?
Waxaa la dareemaa in madaxa ay galayso hawo qabaw oo kale, wareegga madaxa oo idilne xanuun saa'id ah ayaa laga dareemaa sida qadaadka, dhafoorrada, dhagaha korkooda, mararka qaarne dhagaha guux ayay yeeshaan. xanuunkaan waxaa la dareemaa 30 daqiiqo illaa 1 saac kadib qubeyska, saacad ama laba saac kadibne wuu iska baaba'aa markii heerkulka madaxa caadi ku soo noqdo, dhibaato kalane ma reebo madax xanuunkaan.

Sidee looga hortagaa xanuunkaan?
Waxaa looga hortagi karaa adigoo biyaha madaxa ku dhaqaysid qandac ka dhigo, meel banaan ah madaxa ha ku dhaqin, hana ku qubaysan, daaqadda musqusha iska xir, markaad ka soo baxaysidne madaxa ku duuduub shukumaan ama maro hawadu ayasan ka gudbayn.

Markaad madaxa qallajisidne isla markii ku shub saliid si qallaylka iyo qabawga u yaraado, xanuunkane kaaga tago.

Sidee lagu joojin karaa madax xanuunkaan?
Waxaa lagu joojin karaa si fudud maadaama cilladu ay tahay murqaha qoorta oo giigsan.

Labadaada gacmood ayaad ku qabanaysaa madaxa adigoo suulasha ku aadinayo dhegaha gadaashood meesha muruqa wayn uu ka galo madaxa, markaas waad cadaadinaysaa muddo 30 ilbiriqsi ah adigoo madaxa iyo qoorta is ku dhawaynaysid. Inta aad sidaa samaynayso neef dheer ayaad qaadanaysaa waana soo saaraysaa, xanuunkane wuxuu kaaga tagayaa hal daqiiqo gudaheed insha'llah.

Qoraallo xiriir la leh:

Haddii uu jiro xanuun aad ku wareertay, ugana baahan la talin khaas ah, nagala soo xiriir boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia (https://www.facebook.com/HealthySomalia)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)