Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Southall on February 15, 2017, 06:31:10 PM

Title: Su'aal: Xanuun halka feedhuhu ka soo bilawdaan?
Post by: Southall on February 15, 2017, 06:31:10 PM
Ac dhamaantiin dhakhtrada iyo asxaabta kalaba waan salaamay salaan kadib dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay waxaa I xanuunta halkaa feedhuhu ka soo bilawdaan ee bakhtanka ah xanuunkuna wuxuu u kacaa dhank midig ee wareega dhabarka ah illaa dhabarka badhtankiisa ah qaybta bidixda inta badan xanuun iskagama arko naqaskaa I dhiba oo xitaa markaan cuntada bilaabo dhib badan baan kala kulmaa waxaa naqaska igu dhajija markaan meelaha lagu badan yahay ee tareemada ama basaska.fuulo xitaa markaan timaha jaranayo haddii aan meel dad joogaan tahay yaa allahu baan timaha ky jartaa xaako badan baan leeyahay oo xiliga aan cuntada cuno iyo subaxa hore markaan soo tooso ah baadhitaan dhawr mar baan tagay markastase negative baad tahay bay dhahaan please bal arinkygaa fiiriya.wcww


Title: Re: Su'aal: Xanuun halka feedhuhu ka soo bilawdaan?
Post by: SomaliDoc on July 24, 2017, 01:34:37 PM
Qaabka laguu haayo waxaad u baahan tahay in waraysi dheeraad ah lagula yeesho, sababtoo waxaad ii sheegtay in baaritaan walba aad martay oo kulli lagu yiri "negative", marka waxaan filayaa in cilladaadu ay tahay wax loo yaqaano "Panic Attack" sababtoo ah qofka wuxuu dareemaa in feeraha uu culeys ka saaran yahay, neefsashada ayaa dhib ku noqoto, dhidid badan ayuu yeeshaa, cabsine wuu dareemaa khaasatan markuu galo meel buuq ah ama ciriiri ah.

Si waraysi dheeraad ah laguula yeesho, dhakhtarka toos ugala xiriir qeybta messages-ka ee Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)