Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdullahimo on February 17, 2017, 12:14:49 PM

Title: Su'aal: madaxa ayaa waxaa iigaga soo baxay nabaro?
Post by: Abdullahimo on February 17, 2017, 12:14:49 PM
Dhakhtar mudo ayaan isku arkay xanuun waana kasoo kabsan la'ahay
Xanuunkaas waxa waaye madaxa ayaa waxaa iigaga soo baxay nabaro afka biyo kuwato markeey dilaacaan waxey isku badelayaan boog waxan isticmaalay daawooyin ee kamid yihiin Amoxcaliyne iyo boomaatada tatracycline skin ointment 3%
Waan ku bogsadaa balse xanuunka ayaa ah mid soo noqnoqonayaa fadlan i caawiya ama lambar aan idin kasoo waco ii reeba shaki badan ayaa igu dhashay qanjiraha dhuunta ayaa i bararay kansarka ayaan ka baqayaa inuu yahay ilaah iguma ridee
Title: Re: Su'aal: madaxa ayaa waxaa iigaga soo baxay nabaro?
Post by: SomaliDoc on May 22, 2017, 11:20:07 AM
Waxaa haboonaan lahayd in la arko nabraha nuuc ay yihiin, waxay noqon karaa mid ay keento jeermiska bakteeriyada, jeermiska fangaska ama nuuc allarjiga ka mid ah ama xanuun maqaarka basada ku dhacay, intuba isku daawo maahan way kala duwan yihiin.

Fadlan dhakhtar cudurrada maqaarka la xiriir ama noo soo dir sawirrada nabrahaas si aan talo kaaga siinno.