Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on March 11, 2016, 09:48:07 PM

Title: Ilkaha Magarta Leh (Ilko Digirka) - Qoraal Cilmibaaris Ah.
Post by: SomaliDoc on March 11, 2016, 09:48:07 PM
(http://somalidoc.com/Topics/digirka.png)

Waxaan kaga hadlayaa qoraalkaan mawduuc ku saabsan "ILKO DIGIRka" ama ilkaha magarta leh ama dhibcaha kaffeyga ah ee ilkaha ku sameysmo.

Maxay yihiin dhibcahaas ilkaha ku samaysmo "Ilko Digirka"?
Cilladaan ilkaha ku samaysanto waxay ka dhalataa maaddo loo yaqaano "Fluoride" oo biyaha la cabo ku badan, sida dabiiciga ah maadadaan waa mid caafimaad leh kana hortagto suuska iyo ilko bololka, laakiin haddii ay ka badato 1mg litirkiiba, waxay keentaa xaalad loo yaqaano "Enamel Fluorosis" tan oo ilkaha midabkiisa badasho, haddii ilmaha ka yar 7 sano ay ku koraan dhul biyihiisa ay ka buuxaan maadadaan.

Halkee maadadaan laga helaa wadankeena?
Wadamada biyahooda ay ku jiraan maadada flouride-ka waa fara ku tiris, waxaana badanaa la sheegaa, wadankeena Somalia, Tanzania, China, Mexico, Yemen iyo magaalooyin ka tirsan wadanka ingiriiska, meesha wadamo badan ay ku darsadaan maadadaan biyahooda iyagoo caafimaad ka raadiyo, shirkadaha sameeya daawada lagu cadaystane way ku soo daraan si ilkuhu uga faa'idaystaan.

Cilmibaaris lagu sameeyay biyaha dalka markay taariikhdu ahayd 1980-kii illaa 1983-dii waxaa lagu ogaaday in ceelasha wadanka ka jiray aysan isku mid wada ahayn oo ay ku kala duwanaayeen cabirka maadadaas ku jirtay biyaha markii la baaray.

Diraasadii waxaa ka soo baxday in maadada "Floride" ay ku badnayd dhowr gobol oo kala ah: Bari, Sool, Nugaal, Mudug, Galgaduud iyo shabeelalda dhexe.
Waxay aad ugu sii badnayd laba gobol oo kala ah:
Sool - Degmada Taleex (Qiyaastu waxay ahayd 4.8 mg halkii litir oo biyo ah (4.8mg/L)
Galgaduud - Degmada dhuusamareeb (Qiyaastu waxay sheegtay 4.2 mg halkii litir oo biyo ah (4.2mg/L)
Sidaas daraadeed dadka badanaa leh ilko-digirka waa dad ku soo koray yaraantoodii gobollada la tilmaamay.

Maadadaan maxay waxtar ama dhibaato leedahay?
Flouride-ka wuxuu faa'ido u leeyahay korriinka ilkaha, ka hortagga suuska, caabuq ciridka ku dhaco, waana muhiim in qofka uu ka helaa biyaha sidaas daraateed wadamo ayaa isticmaalo siyaaasadda floraynta biyaha si ay uga faa'idaan, laakiin hadduu biyaha ku bato dhibkiisu waa in ilkaha midab u yeelo taasoo qurux ahaan qofka uu dhibsan karo iyo in ilkuhu jajabi karaan haddii ay maadadan ku badato laakiin badanaa dhibaato uma keento ilkaha, waana arrin laga hooli karo ilkaha ma laga nadiifin karo, haddii aad u tagtid dhakhtarka ilkaha.
Badanaa dadka ku nool meelaha ay maadadaan ku badan tahay, way ku yartahay dhibka suuska iyo ilkaha oo qodmo, waana faa'ido dheeri ah.
Akhriso qoraal ku saabsan Suuska iyo Ilko-bololka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,589.0.html)

Warbixin dheeraad ah:
Diraasadda aan ka soo qaadannay waa mid uu diyaariyay cilmibaare u dhashay dalka talyaaniga, waxaane baaristaas lagu sameeyay gobollada badankood, waxaana lagu ogaaday in maadadaan floride-ka ay ku badan tahay illaa 61 degmo ama magaalo oo dalka ku yaallo.

Akhriso qoraal ku saabsan Saliilyada: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6101.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6101.0.html)
Haddii aad su'aalo caafimaadka ku saabsan qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)