Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on March 23, 2017, 01:47:24 PM

Title: Su'aal: Waa dhib sadaa ku hadalka taleefanka?
Post by: Ashom on March 23, 2017, 01:47:24 PM
Inaa taleefoon Ka ku hadlo ayaa dhibsadaa ..anigoo qof kii necbeeyn oo qofku muhiim ii yahay ayaa hadana culeeys igu tahay in aan kala hadlo wacitaan Ka .. Oo waxaan Ka jeclahay fariin qoraal Ka ..

Maxaa keeni karo in aan necbeeysto  wacoow ga oo jeclaado qoraal Ka anoo dad kii naceeyn lkn nacaayo hadal Ka aan hadlaayo ee taleefoon Ka? Thank you
Title: Re: Su'aal: Waa dhib sadaa ku hadalka taleefanka?
Post by: SomaliDoc on March 29, 2017, 01:49:14 PM
(http://somalidoc.com/Topics/af-gaabnimo.png)

Bismillah,

Waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa dabeecadda loo yaqaanno "af-gaabnimada", afka qalaadne lagu dhaho "Introversion", ma ahan cudur ama cillad u baahan in la daaweeyo, waa dabeecad ka mid ah dabeecadaha ilaahay ku abuuray bini'aadanka, laakiin dad badan aysan aqoon u lahayn fahmidda iyo la dhaqanka dadka leh dabeecadaan sidaa darteed waxaan si kooban uga hadli doonaa sida aad ku garan lahayd dabciyada dadkaan iyo qaabka ugu haboon ee aad ula dhaqmi lahayd iyo faa'idada ku jirto la saaxiibkooda ama nolol la wadaagistooda.

Waa maxay dabciga qofka af-gaaban?
Si loo fahmo dabciyada dadka kala duwan waxaa muhiim in ah la fahmo qaabka ay u fakaraan dadkaas ama maskaxdooda u shaqeyso, haddii aad fahantid qaabka ay u fakaraan, dabciyadooda waad fahmi kartaa. dadkaan loo yaqaano "introverts", markay wax la kulmaan isla markiiba maskaxda go'aan ma qaadato, waa in waxaas ay maqleen ama ay arkeen la marsiiyo qeybta xasuusta maskaxda, kadibne la marsiiyo qeybta qorsheynta maskaxda, kadib ayuu qofka fal-celiyaa. baynamaa dadka lidkooda ah aysan intaas marin oo wixii la waydiiyo ama ay la kulmaan ay isla markiiba ka fal-celiyaan. sidaa darteed farqiga labadaan qof u dhaxeeyo waxaad ka fahmi kartaa jawaabahooda. qofka afka-gaaban ma hadal badno, wuuna ka fiirsadaa intuusan hadlin, haday xasuustiisa soo qabato wax la xiriira hadalka lagu yiri ama wuxuu arkay, wuxuu fal-celintiisa ku saleeyaa xasuustaas, kadibne qaabka ugu haboon oo isagu isleeyahay uga jawaab ayay maskaxda uga jawaabtaa. sidaa darteed mar walba jawaabta uu bixinayo isku mid maahan. waana sababta ay u neceb yihiin in su'aal lagu kadiyo iyo in la ogaado qaabka ay u fakarayaan, taleefannada horay ugama qabtaan illaa inay ogyihiin sababta aad u soo wacayso mooyee, waxayne ka doorbidaan inay qoraal kugula soo xiriiraan maadaama ay helayaan waqti ay ku fakari karaan. haddii aadan ka war haynin dabcigooda waad dhibsanaysaa iyaguna way ku dhibsan karaan inkastoo markaad talo ka heshid aad la yaabaysid xikmada ku dheehan talooyinkooda illeen waa wax maanta dhan laga soo fakarayay oo meelo badan laga eegay.
Waxaa intaa sii dheer in fakarkaas iyo falaanqayntaas ay u baahan tahay meel aan buuq lahayn oo dagan, waana sababta keentay inay ka helaan kalinnimada, aadne u neceb yihiin buuqa iyo fagaaraha bulshadu isugu timaado, hadii lagu qasbane inay tagaan xafladaha waxay la soo laabtaan diiqad iyo madax xanuun.
Waxayna xiiseeyaan howlaha badanaa la qabto markii kali layahay sida qorista, far-shaxanka, naqshad dajinta, injineernimada, wax-allifidda IWM, sidaa awgeed dadka howlahaas ku takhassusay badankood waa dad dabcigaan af-gaabnimada leh, sababtoo ah markay kali yihiin ayuu wax soo saarkoodu badan yahay, markay shaqo ku jirin waxay xiiseeyaan wax akhriska, wax daawashada, isticmaalka computer-ka, xiriirka internetka, xoolo raaca iyo kalluumaysiga.

Sidee loola dhaqmaa dadka dabcigaan leh?
Si aad u ogaatid qaabka ugu haboon ee dadkaan kula dhaqmi kartid, waa inaad iska ilaalisaa khaladaadka badanaa bulshadu ka aaminsan tahay sida:

Faa'idada la saaxiibka dadka dabcigaan leh:

Qoraalkaan wuxuu khuseeyaa dadka isku arkay dabeecadahaan oo idil, haddii aad isku aragtay qeyb ka mid ah dabeecadaha, waxaad galaysaa kooxda loo yaqaano "ambiverts", haddii aad leedahay dabeecadahaan lidkooda ama qoraalkaan aad dhibsatay waxaad galaysaa kooxda "Extroverts". maalin kale ayaan idinka hadli doonaa haduu Alle idmo.

Gaba-gabo:
Bin'aadanku isku dabci maahan, Alle ayaane sidaan u kala duway laakiin waxaa muhiim ah in aad aqoon u leedahay dabcigaaga iyo dabciga asxaabtaada iyo sida aad ula dhaqmi lahayd adigoo aan la imaan wax xadgudb ah.
Horay waan uga soo hadlay dabciyo kala duwan, kuwa kalane waan idiin soo bandhigi doonaa, hadafka qoraalladaan waa in bulshadu isfahanto, qof walbane waxtarkiisa iyo waxgalkiisa la garawsado oo aan loo arkin inay wax ka qaldan yihiin qofkii aad isku dabci noqon waysaan.
Waa laga yaabaa dabeecadaha halkaan ku xusan in dadka qaar ay dhibsadaan, laakiin ogow adigane dabci kale ayaad leedahay oo in aad isfahantid, laguna fahmo ayaad u baahan tahay, hadafku waa wada noolaansho ixtiraam ku dhisan.

Waxaan horay uga hadlay 9 shakhsiyadood oo bulshada ku dhex nool oo dabeecadahoodu isu baddali karaan cillado nafsi ah iyo sidaa ula dhaqmi lahayd, ka akhriso qoraalkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6876.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=6876.0)

http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)
Title: Re: Su'aal: Waa dhib sadaa ku hadalka taleefanka?
Post by: Ashom on March 29, 2017, 03:53:04 PM
Maasha Allah waan ahay qofkaaas waxaana ku jiraa ambiverts
Title: Re: Su'aal: Waa dhib sadaa ku hadalka taleefanka?
Post by: Jiidhe on March 30, 2017, 10:03:42 PM
Kkkkkkkk runtii Dr marba marka ka dambeysa inad aniga iga shekaynaso ayaban moodaaba.