Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdirizak on December 06, 2011, 05:22:12 PM

Title: Su'aal:- Qofku inuu Xannuunka Sonkorta Qabo Maka Dareemi Karaa Kaadidda Urkeeda?
Post by: Abdirizak on December 06, 2011, 05:22:12 PM
A-S-C.....\
Waan idiin salaamay dhamaan dhakhaatiirta isku howshay inay si sharaf leh ugu faa'iideeyaan dhamaan dadka jecel, inay wax ka ogaadaan xannuunada haya iyo qaarkaleba..
hadaa su'aashayday u-gudbo, waxay tahay Xannuunka Hada Faraha Badan ku haya Soomaalida oo ah XANNUUNKA SONKORTA?

illaahay waxaan ka baryeeynaa inuusan inagu sababin dhamaan inta islaamka ah, Gaar ahaana inta soomaalida ah uu hayana illaahay ka caafimaadiyo.
                                                                         AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Waxaan rabay inaan wax ka ogaado qofka qaba xannuunka sonkorta, sida uu ku ogaan karo isagoon baaritaan samayn.
Taas oo aan u la jeedo maka ogaan  karaa urka ay kaadidiisu leedahay ama dhinaca ka le udhigo kaadisiiso oo usoo urta sidii sonkorta oo kale ma la oran karaa waa qof sonkor qaba..........\\

Teeda kale xiliga qaboobaha ah qofka badsada biyaha cabidooda iyo sharaabka, taasina ay keento inta badan inuu musqasha badsado gaar ahaaan habeenkii inuu dhawr jeer hurdada ka kaco, mi yay xiriir layee lankartaa xannuunka sonkorta....................


                                                                      WABILAAHI TOWFIIQ
Title: Re: Su'aal:- Qofku inuu Xannuunka Sonkorta Qabo Maka Dareemi Karaa Kaadidda Urkeeda?
Post by: SomaliDoc on January 06, 2012, 10:02:19 PM
Calaamada ugu horreeyo ee qofka iskaga shakin karo in uu sonkor qabo waxaa ugu horreeyo:
oon badan, kaadi badan, cunno cunis badan, daal iyo tabardarri, qofka oo sii daciifo, miisaankiisane uu dhaco.

Laakiin taasi macnaheeda maahan in calaamadahaas haduu qofka isku arko in uu sokor qabo, laakiin waa in uu iska shakiyo kaliya oo baaritaan isku sameeyo.

Inkastoo calaamdaha qaar sida aad sheegtayba ay imaan karaan xilliyo lagu qaldi karo sonkorta sida xilliyada qabowga inkastoo iyadane qofka uu kaadi badan isku arki karo, oonkane uu yaraanaayo meesha sonkorta uu oon badan jiri karo.

Dadka qabo sonkorta waxay halis ugu jiraan caabuq kaadida ah, inkastoo kaadida oo soo shiirto aysan calaamad lagu karan karo aan la dhihi karin.

Warbixin dheeraad ah haddii aad u baahantahay, halkaan ka baro cudurka sonkorowga:
http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1145.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1145.0.html)