Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamed1969 on July 24, 2010, 05:05:28 PM

Title: Su'aal ilmogaleenka ku saabsan?
Post by: Maxamed1969 on July 24, 2010, 05:05:28 PM
dhaqtarka waxan weeydiinayaa hadii qof 4 jeer lagu qalay ilmo  markii 4 dhaqtarka yiri ilmo galeenkaada waa qafiifay ,mar 5 ma qaadi karaa uur qofkaas?
Title: Re: Su'aal ilmogaleenka ku saabsan?
Post by: SomaliDoc on July 30, 2010, 08:35:20 PM
walaal takhtarka raaca maxaayeelay ooyadu waa lagu qali karaa caruur badan haddii ay dooneyso laakiin waxa takhaatiirta ay kula taliyaan hooyada in ugu badnaan 3 ama 4 qaliin ay u tahay mid nabdoon lakiin wixii ka badan ay halis caafimaad ku ahaan karto iyada iyo dhallaankeedaba.

Sidaa awgeed waxaa lagula taliyaa hooyada la qalay in dhalmada ay kala fogeyso oo 2 sano ugu yaraan u dhaxeysiiso 4 qalliin ugu badnaane aysan samayn, laakiin haddii ay hooyadu uur qaaddo 4 qalliin kadib waa lagu qalayaa.