Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dargaay on April 12, 2011, 12:38:16 PM

Title: Su'aal: Waxaa dhib igu haaya kuleyl dareen kulul leh oo jirka oo dhan?
Post by: Dargaay on April 12, 2011, 12:38:16 PM
asc wlalayal salan kadib aad iyo aad ayad umahadsantihiin. Mida kale wlal waxaan xanunsanahay mudo kabadan sanad waxaana dhib igu haaya kuleyl daren kulul leh oo jirka oo dhan aan ka daremo iyo dhabarka qeybta hoose oo aan kadaremayo wax sida ashito ah oo kuleyl ah .mida kale waxan dareemaya murqo xanun iyo wajiga iyo indhaha oo i qalalan sida kabaabyo camal .dhaqtar ayan utagay dawoyinki uu ii soo qorayna wali waxba iskagama garan marka walal maxaa keni karo dhibkas. Cudurada iyo hadii daawo leyihiin .mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: Waxaa dhib igu haaya kuleyl dareen kulul leh oo jirka oo dhan?
Post by: SomaliDoc on April 14, 2011, 07:15:58 PM
Si fikrad buuxdo looga helo cabashadaada mudda dheer jirsatay  waxaa habboon warbixin buuxda in aad dhasiisid adigoo ka soo billaaba xilligii xanuunka kugu billawday iyo qaabka uu ahaa illaa iyo hadda oo aad ka cabanayso arrimaha aad soo sheegtay.

Tani waxay naga saacidaysaa in aan ogaanno waxa aad ka cabanayso in hal cudur ama dhowr cudur inay yihiin iyo in xanuunka marxaladihii uu soo maray iyo wixii isbadal kugu dahcay.

Fadlan warbixin buuxda na sii iyo wixii baaritaan aad samaysay iyo takhaatiirta aad la xiriirtay muddadaa sanadka ee aad xanuunsanayd.

Mahadsanid