Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on May 21, 2016, 04:51:50 PM

Title: Ogow Sababta ay Kaneecadu kuu Jeceshahay!
Post by: SomaliDoc on May 21, 2016, 04:51:50 PM
(http://somalidoc.com/Topics/dooqa.png)

Bismillahi,

Waa arrin jirta in kaneecadu ay dadka qaar ka hesho, kuwa kalane ay neceb tahay inay qaniinto.

Sida la ogyahay, kaneecadu qofka iskama qaniinto, waxay qaniintaa kaliya markay u baahan tahay dhiig bini'aadan si ay ugu bacriso ukumaha ay xambaarsan tahay.
Alle wuxuu kaneecada siiyay awood aragti iyo mid urin heer sare ah oo ay ku kala soocato dadka ay u baahan tahay inay dhiiga ka nuugto.

Sidaas awgeed, dhiigga ay u baahan tahay waa inuu noqdaa dhiig iyada iyo ukumaheeda caafimaad u leh oo ay xiisaynayso, sida qofkaba uga fogaado cunnooyinka qaar oo uusan ka helin ama uu dhibsanaayo.

Maxay tahay waxa ay qofka ku doorato?
Waa su'aal aad u muhiim ah oo cilmibaarayaashu ku bixiyeen waqti dheer si ay u ogaadaan sirta ka dambayso arrintaan, way jiraan waxyaabo la ogaaday, laakiin waa arrin weli u baahan in si qoto dheer ah looga sal gaaro.

Intaasi waa inta illaa iyo haddal ogyahay, laakiin cilmibaarisyo kala duwan ayaa socda si warbixin dheeraad ah looga helo sirtaan.

Fadlan haddii aad tahay dadka kaneecadu jeceshahay, ka xiro sansayeeri ama shandarawad si aysan kuu qaniin, isticmaal kareemyada ama saliidaha la marsado oo ay kaaga carari karto, qolka ama guriga ku qiiqi geedaha qaar ay aad u necebtahay sida geedka baxar-saafka.

Haddii aad su'aalo caafimaad ah qabtid iigu soo dir qeybta su'aalaha: http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?board=31.0)
http://somalidoc.com (http://somalidoc.com)