Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Botan on March 23, 2020, 10:21:51 PM

Title: Su'aal: Xanuun iga haya kalagoysyada iyo maqaarka?
Post by: Botan on March 23, 2020, 10:21:51 PM
Dr. Abdullahi Mahdi,

Waa ku salaamay diktoore . Salaan ka dib, suaalo aan hore kuugu soo qoray jawaabahoodii waan arki waayey.
Maanta waxaan rabaa inaan kula wadaago jirro aad iigu sii badaneysa, wax daawo oo la sheegana aan weli la ii qorin.

Waxaan joogaa dalkii, waxaan jiraa da' ahaan 38 sano, dhererkeygu waxaa weeye 1.75cm, miisaankeyguna 90kg, 
Waxaan ahay Aabbe leh 6 ilmood.

Diktoore, waxaa jirtay in ku sinnaan 15 sano lawyada aan ka dareemi jirey shanqar markaan tukanaayo lkn dhib kale
 aysan igu haynin. Sannadkii hadda na dhaafay 2019 bartamihiisii ayaa waxaan isku arkay  cuncun faraha hore ah iyo
 skin rash markaan xoqo meeshii yeelaneyso iyo marka damboo barar aaggii oo dhan is wada qaadanayo.

Xanuunkii maantii xigtay wuxuu u wareegay dhudhunka gacanta bidix ilaa garabka oo barar caadi ah yeeshay.
Habeenkii ku xigay waxaa jirradii oo idil u wareegtay gacanta midig oo si aad ah ii barartay, habeenkii oo dhanna aan
 seexan waayey garaac iyo cuncun barar wata darteed.

Dhawr dhaqtar baan la kulmay baaritaannadii laygu sameeyey kuwo badanu waxba ma sheegin , labo sheybaar oo
midi uu nin yemeni ahi ii diray ayaa igu sheegay jirro la dhaho Rheumatoid Arthritis. Waxaa la ii qoray kiniiniyaal ay
ka mid yihiin simply xanuun baabiyayaal sida voltren, Voltren GEL, qaarkood waxay igu dureen cirbad ay ku sheegeen
Hydrocogtisone.

Dhaqtarka yemeniga ah reportkiisii waxaa ka mid ahaa in la i saaray Computer oo uu yiri carjawda u kala dhexaysa
lafaha lawgu waa ay dhammaadeen, sidoo kale waxaa yar Vitamin D iyo Calciumkaaga iwm


Calaamadahaan isku arkay waxaa ka mid ah :

(1). In meeshu intaysan i bararin ay cuncun sameynayso, ka dibna markaan
      aad u xoqo ay guduudaneyso aadna ii barareyso.

(2). In bararku hadda jirkeygoo idil saameeyey oo casarkii anoo caadi ahaa           
maqrib markii la gaaro madaxa dhinac dhan soo buuraneyso iyo guud ahaan     
 jirkoo idil sida dhabarka, bawdyaha, gacmaha iwm.

(3). In canqawyada hoose iyo faraha caguhu i bararaan aadna ii xanuunaan,           
taasoo marar socodku dhib igu noqdo inaan exercise sameeyo iska dhaafe.



Runtii dhakhaatiirka Garoowe joogta waxaaba iiga jawaab macquulsanaa, nin dhallinyaro ah oo hay'ad ka shaqeeya
 lkn waagii hore Pharmacist ahaan jirey '' Wuxuu igu yiri jirradan waxa weeye AUTOIMMUNE SYSTEM wuxuu ku sheegay,
 difaaca jirkoo is weerarahaya marka keliya inaad xanuun dile qaadato maahane daawo kaleeto malahan''.

Diktoore, hadalkii waan kugu badshay aad baan ugu xiranahay mareegtaada WWW.Somalidoc.com (http://WWW.Somalidoc.com) , waxaan kaa
rajeynayaa inaad jirradeydaas fahmi doontid wixii aan sameyn lahaa hadday daaweyn tahay, hadday miisaan dhimis
 iyo exercise iyo talooyin kale tahay , haddii Allergyba ay tahay markaad xogteyda akhriso oo waxaan dhibsanayaa jiraan.

JAWAABTAADA AAD BAAN U DANEYNAYAA  RUNTII, INTAAN KA BADAN ISKUMA SII FIIRSAN KARO XANUUNKAN.

Mahadsanid