Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ashom on February 13, 2016, 04:16:36 PM

Title: Su'aal: Dadka is dhisay?
Post by: Ashom on February 13, 2016, 04:16:36 PM
Dad ka waqtiga gaaban isku caateeyo ee hadana murqo isu bedelo jirkooda ee sawirada" after  iyo before" sameeyo ma sax baa.madhici kartaa arin kaas.sawir ka Facebook ku soo diray.thanks
Title: Re: Su'aal: Dadka is dhisay?
Post by: SomaliDoc on February 18, 2016, 01:18:45 PM
Waan arkay sawirka aad ii soo dirtay, sawirada noocaas ma ahan wax muddo dhakhso ah ku yimaado.
Qofka sidaa noqdayne kama marno inuu isticmaalay daawooyin murqaha barariyo ama hormoonada ragga kordhiyo.
Ma ahan wax si dabiici ah ku yimaaday, murqaha sidaa markii laga dhigane waxay keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad waxaana loo yaqaanaa "muscle hypertrophy".
Akhriso dhibaatada daawooyinak Gym-ka ee la isticmaalo: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3797.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,3797.0.html)
Title: Hadii ee saas tahay
Post by: Ashom on February 19, 2016, 08:33:11 PM
Dr.  Sidaa sheektay dad murqaha dhiso ee murqo  waawwwyn ka ah leh .ama murqo waa weeyn leh.waxaa tilmaantay in ee dhibaato tahay oo ee dawo murqaha barariso ee is ticmaaleen.miyaana gym ka lagu dhisi karin murqo waa weeyn oo hadana kala qeeyb qeeyb San dawo la'aan .sababtoo magaalada muqdisho waxaa ku arkaa .niman Xamaali ah oo murqo waa weeyn leh oo sheeb kooda muuqdo .gaara ahaan kuwa Gaari gacan ka wado .bal arin kaan kwrn
Title: Re: Su'aal: Dadka is dhisay?
Post by: SomaliDoc on February 25, 2016, 04:20:23 PM
Murqaha sida dabiiciga ah ku soo baxa iyo kuw la barariyay waa la kala garanaa, ilaahay wuxuu ugu talagalay murqaha xad haddii ay dhaafaan dhibaatooyin keeni kara.
Adigaba haddii aad u fiirsatid waa dareemaysaa, murqaha la barariyay xididadooda way soo baxaan, midabka maqaarka ka sarreeyane wuu is badalaa, markuu qofka is dabciyo iyo markuu is giijiyaba bararku wuu jirayaa.