Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Tuuraq on April 03, 2011, 01:52:14 AM

Title: Su'aal: waa maxay walal cudurka thrush?
Post by: Tuuraq on April 03, 2011, 01:52:14 AM
Asc walalayal runtii waan idin mahad celinayaa in badan waxana leeyahay alle ayaa abaalkina gudi kara .mida kale walal waxan inan wax ka ogado xanunka thrush waxa kena ' khatartisa, calaamadaha lagu garto, daaweyntisa,  wacyi galintisa. Walal bishi laso dhafay waxan ku weydiyay xanunkeyga  waxadna ishegtay inan lakulmo dhaqtar ku taqasusa cunaha iyo dhunta insha allah waxan lakulmi donaa 10ka bishan . Mahadsanid.
Title: Re: Su'aal: waa maxay walal cudurka thrush?
Post by: SomaliDoc on April 03, 2011, 11:21:13 PM
Thrush waxaa la yiraahdaa Cabeeb wuxuuna ku dhacaa meelo jirka ka mid ah sida afka, dhuunta, ibta naaska iyo cawrada haweenka.

Halkaan ka akhriso midka ku dhaco caruurta: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1092.0.html)

Halkaan ka akhriso midka ku dhaco ibta naaska: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,1438.0.html)

Cabeebka wuxuu u badanyahay caruurta, hadduu qof weyn ku dhaco waxaa u keeni kara in difaaca jirkiisa uu hooseeyo wuxuu kaloo calaamad u yahay cudurrada difaaca jirka dilo sida aydhiska.
Title: Re: Su'aal: waa maxay walal cudurka thrush?
Post by: Afrax on April 04, 2011, 11:10:31 PM
Asc waa mahadsantahay sida wacan ee dadka ad ugu soo jwaabtid su aalah.mahadsanid mida kale.waxad isii qeexdaa cabeebka ku dhaca afka iyo dhuunta. Anigo sii raacsanaya suaashii wlalkey.calamadaha iyo iyo dhibatadoda uu qofka u keni karo.by.mahadsanid
Title: Re: Su'aal: waa maxay walal cudurka thrush?
Post by: SomaliDoc on April 08, 2011, 08:28:13 PM
Candida ama cabeeb waa infakshan guud waxaana keena khamiirka loo yaqaan Candida albicans. Waxay jeceshahay inay ku korto meelaha diiran oo qoyan sida afka (oral candida), waxayna ku dhuumataa maqaarka ku yaalla sarcanta, dabada agagaarkeeda, marmarka qaarkoodna kilkilada.
Afka gudahiisa, waxay ku samaysaa meela cad cad oo guduud ku jiro. Badanaa wareega camanka, laakiin marmarka qaarkood wuxuu galaa ciridka, dhabxanaga ama carabka.

Candida waxaa qaba 20% boqolkiiba dadweynaha iyadoo aan keenin wax dhibaato ah. Haddii ay jiraan xaallada gaara, sida isticmaalida antibaayootikis, waxaa dhici kara in candida intii ka sii weynaato. Waxaa dhici karta cuntada afka lagaga tegay sida cabitaana macaan ama caano, inay qayb ka qaadato koritaanka infakshanka candida.
Qoyaanka iyo diirimaadka meelaha diiran (meelaha laabma ee maqaarka) khaasatan meelaha jirada maqaarku ay ka jirto, ayaa ka dhigi kara candida infakshan inay noqoto. Haddii cudurkan afka qalaad lagu yiraahdo candida ku dhaco meelaha laabma isticmaalida kareemka cortisone iyadoo aan la isticmaalayn daawada lagu daaweeyo, waxaa laga yaabaa in cudurkaani ku sii xumaado.

Daawada mucayinka ah ee candida lagu daweeyo waxaa ku jira kareem la mariyo meelaha naabiga aafeeyey iyo jel ama goojo la mariyo ama lagu shubo afka. Kareemayaal ayaa lagu talin karaa iyadoo ay la socoto cortisone cream awoodeedu khafiif tahay jirra kasta oo maqaarka ku jirta.

Cabiraada guud oo inaka caawimaysa in lagu hortago cudurkaan waxa weeye in la ogaado waxay jeceshahay waana:
# Joojinta antibaayootikiska sida ugu dhaqsaha badan
# Si taxadaran u qalajinta meelaha maqaarku ka laabo qubayska ka dib
# Isticmaalida dhar aan kugu dheganayn si aad isaga ilaaliso inaad kululaato
# Si fiican u daaweynta jirada maqaarka ee jirta ama furuuruca naabigu keeno.