Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Guudlaawe on November 11, 2015, 05:55:51 PM

Title: Su'aal: Siigo gaaban dhib ma leedahay?
Post by: Guudlaawe on November 11, 2015, 05:55:51 PM
asc marka hore waxaan idinkaga mahad celinaa sida aad isu xilqaamteen
waxana idin weydiinaa hadii aan bishii halmar ama  2 mar siigeysto wax miyeey ii dhibi kartaa
Title: Re: Su'aal: Siigo gaaban dhib ma leedahay?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2015, 11:46:09 AM
Siigeysigu gabi ahaantiisaba waa wax caafimaadka aanan u rooneyn laakiin way kala daran tahay markii la badsado iyo markii la yaraysto ee macnaheeda ma ahan in haduu qofka yaraysto sida aad tilmaantay in aysan dhibaato u keenaynin.
Midda kale waa caado qofka uu ku walfi karo oo ma ahan wax qofka uu in yar samayn karo, waa sida sigaar cabidda oo kale, qofka haduu ku bilaabo in bishii laba jeer cabo wax yar ka dib maalin kastaa inuu cabo wuu u baahnaanayaa oo jirkiisa ayaa la qabsanayo.
Sidaas awgeed ka fogow caadadaan, kana akhriso halkaan dhibaatooyinka ay keento: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,2209.0.html)