Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ahmed333 on July 12, 2014, 04:38:33 AM

Title: kininka laysku caateeyo Fat Burners
Post by: Ahmed333 on July 12, 2014, 04:38:33 AM
Asc waan idin salamay ramdaan kariim walalha somaliyeed alle cibaadada haynaga aqablo iyo camalka suuban alle haynoo danbi dhaafo dhamaanteen.
suaal ayaan aqabaa halakan, waxaan doonayaa inaa fikrad iga siisaan inay dhiibato cafimaad daro u keeni karto dawooyinka laysku caateeyo ama baruurta guba si qofka miisaanka saaidkaa uga dhaco ama dag dag uu u caatoobo iyadoo la raacinaayo jimicsi joogtaa  kadib hore aa loo caatoobayaa,waxaan qaba hepatit B walo aanu samayn beerkayga waa normal tijaabadii ugu danbaysay aad ayuu u yaryahay varuska dhiiga.
markaa ma qaadan karnaa fat burner, inkastoo waxoogaa miisankaygu badan yahay ilaa 104-108 kg aan ahay waxan rabaa inaa waxoogaa hoos u celiyo miisanka anoo adeegsanaya dawadan waxan waydiiyay tukaan dawo dabeeci iibiya kimikal maalaha ayuu igu yidhi. kuma qorna qof beer xanuun leh ma qaadan karo.
fadlan ila baadha net ka way ku jirtaa hadaad magacan ku baadhaan waad helaysaan kolay information intaa dheer aan sheegay, maxaan sameeya ??????
aad ayaad u mahdsantiin hadan dheereeryay iga raali ahaada asc,
 
BURN X5, 120 Capsules, With Caffeine

 details

Servings: 2 capsules (60 servings)
Content per 1 serving
Green Tea Extract 300 mg
- 95% polyphenols, 84% catechins, 50% EGCG
Cactus extract 210 mg
- Opuntia dillenii 20:1
Rhododendrobium ® 200 mg
Caffeine Anhydro 200 mg
Capsaicin 100 mg
Choline 100 mg
Hallonketon 20 mg
Chromium 13.5 ¶ g
Title: Re: kininka laysku caateeyo Fat Burners
Post by: SomaliDoc on September 04, 2014, 11:27:22 AM
Fadlan kala tasho takhtarkaaga in xaalada beerkaaga ay saamaxayso in aad qaadato daawo kasta aad u baahan tahay in aad isticmaasho, midda xiga, daawooyinka dabiiciga la yiraahdo, waa qasab in process la marsiiyo oo kiimiko isku hayso ama xifdiso lagu daro hadii warshad soo martay, marka wax kasta oo ay ku qoran tahay dabiici macnaheeda maahan in aysan dhibaato kaaga imaanaynin, qofka ugu haboon oo kaala talin karane waa takhtarkaaga xaaladaada gacanta ku hayo.

Mida kale waxaad ogaataa, daawooyinka la yiraahdo baruurta ayey gubaan, iska ilaali inaad qaadatid adigoo takhtar kala tashanin, caafimaadkaaga ayay halis ku noqon karaan oo dhibaato hor leh ayay kuu keeni karaan.