Somali Medical Forums

Health Related Forums => Health News and Events => Topic started by: Drkheyre on April 20, 2013, 06:52:30 PM

Title: [Tacsi] - Inaa Lilaahi Waa Inaa Ileyhi Raajicuun
Post by: Drkheyre on April 20, 2013, 06:52:30 PM
[Tacsi] – Inaa Lilaahi Waa Inaa Ileyhi Raajicuun

Waxaa Maantay Magaalada Istanbuul ee Wadanka Turkiga ku dhintay Allah u naxariisto Prof. Abdulqadir Mohamed Husein (Prof Abdalla), Prof Abdalla waxuu wax ku bartay Jaamcada Umadda Soomaliyeed, ka dib waxuu taqasus ku sameeyay Dalka Talyaaniga qeybta Cudurada Haweenka.

Dhinaca kale Prof Abdalla waxuu ka mid ahaan jiray macalimiinta jaamacada Umadda Soomaaliyeyd Qeybta Daawada iyo Qaliinka, waxa uuna dhigi jiray Maadada Cuduradda Haweenka, waqtigaan la joogana wax uu Macalin ka ahaa kulliyadda Daawada Iyo Qaliinka ee Jaamacaada Benaadir .
Prof Abdalla waxuu kasoo shaqeeyay Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Benadir iyo waqtigii dambe oo ka shaqeyn jiray Isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka ee SOS.

Prof Abdalla waxuu hada uu ahaa la-taliye Sare Hey’ada Caafimaadka Aduunka.
Hadaba Dhamaan Bahda www.Somalidoc.com (http://www.Somalidoc.com) waxay tacsi u direysaa qoyska iyo qaraabada, asxaabta uu ka geeriyooday Prof Abdalla, allah waxaa ugu baryeeynaa in kitaabkiisa midig ka siiyo. Aaamiin.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun.
Title: Re: [Tacsi] - Inaa Lilaahi Waa Inaa Ileyhi Raajicuun
Post by: CilmiSabca on April 22, 2013, 07:01:32 PM
Inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun.
Waxaan Alle uga baryeynaa in uu Marxuumka Jannada Fardowsa ka waraabiyo,
Ehelkii, asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeedna uu Samir iyo Iimaan ka siiyo.
Aamiin.. Aamiin.