Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: LibanAli on April 07, 2015, 10:29:14 AM

Title: Su'aal: Maxaa Keena Cago Xanuunka?
Post by: LibanAli on April 07, 2015, 10:29:14 AM
Assalamu Aleikum dhamaantiin, Mahad oo dhami eebbe ayay u sugnaatay, idinkana waan idiinka mahadcelinayaa aqoon kordhinta iyo baraarujinta aad markasta usoo gudbisaan bulshadeenna.
Suaasha aan qabo ayaa waxay tahay Ooridayda ayaa waxay xanuun aad u daran ka sheegataa Addimada, siiba cidhibta danbe ee labada lugoodba, xanuunkaas waxay sheeganaysey muddo iminka sannad ah, wakhtiyada qaar waxaa aad ugu adkaata inay kacdo ama ay istaagto iyo inay socoto labadaba, waxaa xanuunkaasi saamayn ku yeeshay oo khalkhal ku keenay xaydkii iyadoo aan sidii caadiga ahayd u helin ama uu ka raagoba.
Waa hooyo dhashay 3 carruur ah xanuunkaasina waxa uu ku bilaabmay ilmaha ugu yar markii ay uurkiisa yeelatay.
Wakhtiyada qaar wuu kordhaa iyada oo uu keeno dhuuxa oo olola ama miskaha oo xanuuna, wuxuu leeyahay damqasho aad u daran waxaase ay yara nefistaa marka la yara dalliigo,
Mararka qaarna wuxuu keenaa muruqyada garbaha iyo bowdyaha oo Xanuuna.
Ilaah haydinka Jizaa'i mariyee nagu caawiya wixii aad aqoon na dheer tihiin idinkana ilaah cilmiga ha idiin siyaadiyee.
Liban Ali Ismail, Somalia
Title: Re: Su'aal: Maxaa Keena Cago Xanuunka?
Post by: SomaliDoc on April 07, 2015, 04:19:02 PM
Caga xanuun iyo caado wareer waxaa keeni karo cudurro badan sida dhiig yarida, cillad xaga hormoonada, xanuuno murqaha iyo lafaha ku dhaco, nafaqo darrida ama macaadinta jirka ku jirta oo yaraato.

Qofka sidaan ah waxaa ugu habboon in dhakhtar la tusiyo si jirkeeda guud loo baaro, kadibne dhiigag ama wixii ka soo baxo wiisatada loo diro.

Halkaan laguma soo koobi karo xanuunada keeni karo calaamadaha aad tilmaantay.