Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Maxamediiriye86 on January 01, 2018, 12:12:28 PM

Title: Su'aal: Kaadiheesta inay wax ka socdaan ayaan dareemaa?
Post by: Maxamediiriye86 on January 01, 2018, 12:12:28 PM
Asc Dr waxan isku arkay in mudo ama waqti ah in àan ka dareemo dhaqdhaq ama in ay wax IGA soconayan kaadi haysta dusheeda oo ad modiid in ay wax kaga nuxsanayan waxan an isasaray computer ultrasound waxa. Àan tahay bladder thickness IGA sheegin waxaan wax dhowrkii biloodba waan mar haddab muxu noqon kara xanuunkas mise noqon kara big parasites ,mahadsanid Dr mahdi
Title: Re: Su'aal: Kaadiheesta inay wax ka socdaan ayaan dareemaa?
Post by: SomaliDoc on December 04, 2018, 07:29:58 PM
Caloosha qeybteeda hoose oo aad dareemaysid inay wax kaaga socsoconayaan waxay astaan u noqon kartaa laba arrimood, mid waa hawo mindhicirrada gasha oo marba dhinac u guurayso, taasoo qofka u malayn karo inuu bahal ku jiro, waxay kaloo noqon kartaa dubaaxis murqaha kore ah taasoo iyadane inay wax kugu socdaan loo malayn karo, dubaaxinta waxay ka dhalan kartaa khalakhal neerfaha murqaha waraabiyo ak yimid, labaduba ma ahan wax dhib kuu keenayo ee yaysan welwel kugu furin.