Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Dahirash on August 17, 2017, 05:46:24 PM

Title: Su'aal: Hurdo la'aan muddo 2 bilood ah?
Post by: Dahirash on August 17, 2017, 05:46:24 PM
Asc Dhakhaatiirta sharafta leh. Salaan kadib waxaan ka cabanayaa hurdo la,aan muddo 2 bilood ah. Ma seexdo inan kaniini cuno moyaane. Waxaan cunaa kaniini la yiraahdo lorazepam, mar hbn dhaaf baan u cunaa marna waan iska cunaa hbnkii. Waxaan dareemaa wadna garaac. Cagaha oo kuleyl i noqda gaasna waan qabaa caloosha aanan ka nasan..

Maxaa igula talin lahaydeen hurdo la,aan iyo wadna garaaca hbnkii?
Title: Re: Su'aal: Hurdo la'aan muddo 2 bilood ah?
Post by: SomaliDoc on June 26, 2018, 11:12:31 AM
Hurdo la'aanta waxyaabo badan ayaa keeni kara, waxaad u baahan tahay waraysi dheeraad ah si loo ogaado cilladda rasmiga ah, midda kale daawada hurdada laftirkeeda haddii aad la qabsatid waxay keentaa in la'aanteed aad jiifan kari wayso, midda kale kor hurka iyo wadne garaaca xanuunka gaaska ee lagugu sheegay wuu leeyahay, inay cillad kale ay jirtane waa suuragal, fadlan la xiriir dhakhtar guud si waraysi iyo wiisito laguugu sameeyo. Haddii aad talo dheeraad ah u baahan tahay, nagala soo xiriir qeybta farriimaaha ee boggeena Facebook: https://www.facebook.com/HealthySomalia/ (https://www.facebook.com/HealthySomalia/)