Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Wacyi Galinta => Topic started by: SomaliDoc on November 01, 2014, 03:27:22 PM

Title: Faaidada Saliid Xabad Sowdada (Benefits of Black Seed Oil)
Post by: SomaliDoc on November 01, 2014, 03:27:22 PM
(http://somalidoc.com/Topics/xabadsowdo.png)

Xabad sowdada waxay ugu horraysaa miraha laga helo caafimaadka, waxaana lagu daaweeyaa cudurro badan oo aan halkaan maanta ku xusi doono oo badankood tijaabo iyo cilmi baaris lagu arkay.

Horay ayaan uga hadalnay xabad sowdada guud ahaan, laakiin maanta waxaan diiradda saari doonnaa saliidda xabad sowdada.

Annagoo og, faaida diinteena ay ka sheegtay xabad sowdada ayaan waxaan rabaa maanta cilmi baaris ahaan waxa laga sheegay in aan idin la wadaago.

Xabad sowdada waxay ka mid tahay geedaha aad loo diraaseeyay oo dad badan wax ka qoreen, waxaana la qiyaasaa ku dhawaad in 300 ka badan oo diraasado kala duwan in lagu sameeyay.

Qaabka ay cudurrada u la dagaasho:

Xanuunada la arkay in ay daawo u tahay oo si dhakhso ah loogu bogsado waxaa ka mid ah:

Waxaa kaloo la ogaaday in caadada dumarka ay u fududeyso, waxayna siyaadisaa caanaha hooyada ilmaha nuujiso.

Saliidda qaababka loo isticmaalo waa in la marsado ama la cabo iyadoo lagu qasan karo cabitaan kulu sida shaaha, caanaha ama cabitaan qabow sida juuska, waxaa kaloo lagu dari karaa biyo kulul, kadibna uumiga ka soo baxo ayaa la isku huurin karaa markii lagu daawaynayo cabburka, xiiqda iyo sanboorka.

Xanuunadaan aan kor ku soo xusnay sidee loogu daaweeyaa?

Waxaa jiro xanuunno kale oo dhowr ah oo xabad sowdada lagu daaweeyo, dad badan oo tijaabiyayne way kuu sheegi karaan xanuun hayay oo ay kaga daawoobeen, taasi macnaheeda maahan in xabad sowdada cudurkii baaris lagu ogaaday kaliya in ay waxtar u leedahay.

Mida kale wax kasta miisaan iyo cabir ayay leedahay, haddii la iska badiyo saliid xabad sowdada way dhici kartaa in ay dhib kuu keento.

Haddii aad jeceshahay in aad ra'yigaaga ku aadan saliid xabad sowdada nagu biiriso ama su'aalo aad qabtid noogu soo dir halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/board,31.0.html)

Akhriso Saliido kale oo Caafimaad Leh:
Saliida Sanjabiilka: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6530.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,6530.0.html)
Saliida Dhagayaraha: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5320.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5320.0.html)

http://www.somalidoc.com (http://www.somalidoc.com)
Title: Re: Faaidada Saliid Xabad Sowdada (Benefits of Black Seed Oil)
Post by: Cabdalle78 on August 16, 2020, 04:44:27 PM
fadlan ila wadaaga link ga aad sheegteen inaad uga hadasheen guud ahaan faaidada xabadu sawdada