Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Diinow on April 04, 2011, 09:47:48 PM

Title: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah marka hore kadibna wuu daahaa, maxaa keeni karo?
Post by: Diinow on April 04, 2011, 09:47:48 PM
ASC, waxaan si xushmad leh idiin weydiinaya, qofka hadii uu isku arko biyo bax deg deg ah, marka labaadna ee uu galo xaajada labaad biyaha ka soo daahaan oo ugu yaraan 40 daqiiqo kadib ay ka yimaadaan, maxay tahay ciladaasi, marka koowaad deg deg ugu imaanayaan, marka labaadna ka soo daahayaan?.
Title: Re: Su'aal: Biyo-bax degdeg ah marka hore kadibna wuu daahaa, maxaa keeni karo?
Post by: SomaliDoc on April 08, 2011, 08:37:51 PM
In marka labaad biyo-baxa kaa soo daaho waa arrin caadi ah maxaa yeelay qanjirka borostaytka iyo qanjirka cowper waxay u baahanyihiin muddo si ay isku kaairkeeyaan, badanaana ma awoodaan in shahwo filan ay soo daayaan marka labaad, marmarka qaarne wax biyo ah ma soo baxaan oo waxaa loo yaqaannaa "Dry Ejaculation" Biyo-bax qallalan.

Ragga way ku kala duwanyihiin arrintaan qaar waxay ku qaadataa in dib ay u biyo-bixi karaan daqiiqado meesha qaar kalane ay ku qaadato nus saac illaa hal saac.

Haddii biyo-bax uu dhacane marka labaad iyo marka sadaxaadne way ka adagyihiin biyihii hore wayna ka yaryihiin.

Caafimaadka wuxuu ku jiraa in galmada xiriir aan laga dhigin.