Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Abdihakiim on October 16, 2016, 09:44:24 AM

Title: Su'aal: Bio-therapy devices & wax u tarkeeda cudurka sonkorta?
Post by: Abdihakiim on October 16, 2016, 09:44:24 AM
A/S walaale, Salaan ka dib, waxaan arkey saacad yar oo gacanta lagu xiranayo oo la dhoho Bio-therapy devices taas oo caafimaadka qofka wax badan ka taraysa la leeyahay, sidaas darteed waxaan u dirsaday Dubia waxana lagu gadaa meelaha farmashiyayaasha ah waa lay keenay, wax buug ah oo la akhristo lama socota, waxaan is iri walaala cfmadka yaqaan waydii sida hoos ku qor su'aasha oo kooban:

Sidee Bio-therapy devices ay ii caawin kartaa ama wax ii tari kartaa hadii aan la noolahay cudurka sonkorta ah.

Mahadsanidiin.
Title: Re: Su'aal: Bio-therapy devices & wax u tarkeeda cudurka sonkorta?
Post by: SomaliDoc on October 26, 2016, 06:24:43 PM
Saacadaha iyo jijimaha maarta ka samaysan ee loo bixiyay "Bio-magnetic ama Bio-therapy devices" ma ahan wax caafimaad ahaan la isku waafaqsan yahay, wax illaa iyo hadda waxtarkooda la arkay ma ahan, shirkado gooni ah ayaa sameeyo qlabkaan oo ay ugu horayso shirkad loo yaqaano "Nimed", waxay sheegaan in bir-qabta laga sameeyay saacadahaas in jirka ka saarayso qashinka, sarena u qaadayso difaaca jirka, markaasne si dabiici ah uu ula dagaallamayo cudurrada jirka ku jiro, markaasne qofka wuxuu dareemayaa caafimaad buuxo.

Waxay sheegaan inay caafimaad u tahay macaanka, wadna xanuunka, kansarka noocyadiisa kala duwan iyo waxay kaloo soo saaraan qalab ay dhahaan cudurka faalij-ka ayaa looga kacaa, laakiin intaasba ma ahan wax cilmi ahaan loo fasiri karo, dhakhaatiirta badanaa waxay sheegaan inay tahay arrin ganacsi ah oo loogu talagalay in dadka looga gurto lacagta, waxay kaloo sameeyaan dad ayay tababarro u sameeyaan 3 bilood illaa 1 sano qofkaas oo ay u sheegaan in la barayo sidii jirka looga saari lahaa cudurrada oo dhan, mana ahan wax dunida ay aqoonsan tahay, wadamo dhowr ah ayay ka shaqeystaan wadama lacagta leh sida khaliijka oo kale.

Fadlan haddii aad macaan horay u qabtay, daawane aad qaadan jirtay, ha isku halaynin saacadaan oo daawada haka tagin.
Caafimaad baan kuu rajaynayaa.