Somali Medical Forums
Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Bakars0n on May 04, 2016, 12:36:33 PM
-
Dr aad baan kaga mahad celinayaa Sida aad inogu faaideysid.
Suaasheyda waxey tahay waxaan iska daaweyay Gaaska calosha oo mudo la jiifay. Daawadi markan dhamestay . Waxaan daremaya Huritaan ama kulel dhanka Dhabarka ah walibo qeybta Gudaha e calosha xigta . Diktore Arintaan gaaska miye la xirirta ? Talo iyo tusale ayaan u baahanahay
-
Way dhici kartaa in la xiriirto, laakiin maadaama mardhaw lagaa daaweeyay gaaska waxaa habboon in la baaro in wax kale jiraan inta aan gaas laga shakin.
-
Dr mudo bil ayaa kaso wareegtay waxan daremay cafimad . Balse labo malmod kahor hadana sidi ayu ii hurtaa calosha raashinka iguso gadomaya waxana saxarada ku arkay dhiig yar o hareraha kaga yaala.
-
Dhiiga hareeraha kaga samaysmo saxarada calaamad uma ahan gaaska, wuxuu calaamad u noqon karaa cillad malawadka ah weliba meesha saxarada ay soo marto, dhiigga saxarada soo raaco xilliga gaaska wuu madowyahay, saxarada ayuuna ku dhex milan yahay.
Fadlan dhakhtar u tag oo saxarada hala baaro iyo wixii kaloo muhiim loo arko.