Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Daani on September 11, 2017, 09:51:00 PM

Title: Su'aal: Tiibishada makaanka ku dhacda?
Post by: Daani on September 11, 2017, 09:51:00 PM
Asc

waxaan aad iyo aad u salamaya dhakhaartiirta halkan ku soo gudbiya wararka  iyo xogaha iyo jawaabaha ay kaga jawaabaa su'aalaha ay usoo gudbiyaan  dadwayanaha somaliyeed

waana arin aad ii farxad galisay


waxay tahay suaashaydu

Wiil aan saa xiibo nahay baa xaaskiisa lagu sheegay   Tiibayda ku dhacda makaanka,in ay kaga dhacday makaanka.

 Waxaana loo sheegay in makaanka tuubooyinkiisu xidhmeen suuragal na aysan ahayn in ay uur qaado
balse bacrin iyo in lagu abuuro ay ufuran tahay

markaan  waxaan cod sanaynaa si wada jir ah


1- in naloo sharaxo sida ay suuragal u tahay in  ay urr qaado  iyadoo la isticmaalayo habkan casriga ee bacriminta

2- fursadaha ilmo loogu bacrimin karo in ay tahay wax laysku halayn karo oo qarash iyo hanti loo quudhi karo

3-in baadhista naloo sharaxo iyadoo iskaan ah  baan halkan soo galinayaa


waan ka xumahay
sida aan sawirka usoo galiyo waa kasi waayey


illahay ajar iyo xasanaad haydinka siiyo caaiwintiina
Title: Re: Su'aal: Tiibishada makaanka ku dhacda?
Post by: SomaliDoc on August 10, 2018, 02:40:06 PM
Walaal waa sax, tiibishadu waxay ka mid tahay xanuunada xiro tubooyinka makaanka, horay ayan qoraan ku faahfaahinnay ee ka akhriso halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0 (http://somalidoc.com/smf/index.php?topic=5791.0)

Haddii labada tubo ay xirmeen, baaritaanka saxda ahne lagu xaqiijiyay ee aan ku xusnay qoraalka kore waa in ugxanta haweenka iyo shahwada ninka la isku bacrimiyaa.