Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: CilmiSabca on November 23, 2011, 08:43:43 AM

Title: Su'aal: In Caruurta Daawada Lagu Qasbo, Ma Fiican Tahay?
Post by: CilmiSabca on November 23, 2011, 08:43:43 AM
Asc dhamaantiin.
Dhakhtar, waxaa inta badan dhacda in marka ay caruurtu bukaan, in ay Waalidku daawooyinka si qasab (khasab=force) ah ku laqsiiyaan. Gaar ahaan Sharoobooyinka, kaniiniga IWM.
Haddaba, Dhakhtar, waxaa caruurta daawada diida lagu laqsiiyaa hab aan caadi aheyn oo xoog ah, tusaale; inta gacmaha & lugaha la qab qabto ayaa ayadoo sanka la hayo sharoobada IWM afka loogu shubaa! Waxna wey galaan waxna wey daataan. Marka Dhakhtar, waxaad noo sheegtaa hab fudud oo daawada loo laqsiin karo caruurta (tips for helping medication go down baby's throat): waad mahadsan tahay Dhakhtar.
Title: Re: Su'aal: In Caruurta Daawada Lagu Qasbo, Ma Fiican Tahay?
Post by: SomaliDoc on December 05, 2011, 06:10:06 PM
Sababta caruurtu daawada u diido waa dhadhanka awgiis maadaama daawada badankeed ay qaraar tahay, caruurtane waxaa lagu sasabi karaa in daawada loogu daro wax macaan oo dhadhanka dabooli karo sida cabitaanada casiirka ah ama caanaha oo kale ama wax macaan in afka loo mariyo marka horaba sida malabka oo kale.

Ama lagu siiyo daawada siliingo afkeeda wax macaan la mariyay si cunuga ugu maleeyo daawada in ay macaan tahay.

Haddii daawada lagu qasbo caruurta waa halis oo way ku sixan karaan oo sanbabada ayay ka gali karaan taasoo dhibaato caabuq sanbabada ay ka dhashaan.

Haddii cunugaaga uu diido in uu qaato daawo, ha garaacin maxaa yeelay adigaba wax qaraar ma jeclid ee sidii aad ku sasaban lahayd ama daawada ku siin lahayd ku dadaal adigoo raaco tallaabooyinkaan kore iyo wixii kale oo aad ku guuleysan kartid.