Somali Medical Forums

Health Related Forums => Medical Stories and Jokes => Topic started by: CilmiSabca on September 07, 2015, 02:57:14 PM

Title: Si fiican u rux rux Sharoobada!
Post by: CilmiSabca on September 07, 2015, 02:57:14 PM
Haweeney iloowsho dhaw, ayaa waxa ay dhakhtar u geeysay cunug* yar oo ka bukay. Dhakhtarkii, wuxuu cunugga u qorey daawo sharoobo ah. Wuxuuna u faah faahiyey, sida ay cunugga daawada u siineyso, wuxuu ku yidhi "Si fiican u rux rux sharoobada ka hor inta aadan siinin cunugga." Haweeneydii, markii ay tagtay gurigeeda, waxay cunuggii siisay sharoobadii loo soo qorey, balse markay siisey sharoobadii, ayay soo xasuusatay in ay ilowday, dardaarankii Dhakhtarka ee ahaa in ay sharoobada si fiican u rux ruxdo. Isla markiiba Cunuggii ayay inta ay labada gacmood iyo labada luggood qabatay aad u rux ruxday, dadkii dariska ahaa ayaa ku soo baxay oohinta cunugga, ''Ka daa, ka daa!'' ayaa loogu soo qeyliyey, waxayse ugu jawaabtay ''Waxaan iloobay in aan sharoobada si fiican u rux ruxo, marka hadda inta ay caloosha ku jirto ayaan si fiican u rux ruxayaa!!''
____
*cunug= ilmo yar (baby)