Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Ayaan Maxamud on February 13, 2016, 04:38:06 PM

Title: Su'aal: Neerfaha lugaha ayaa ixanuuna?
Post by: Ayaan Maxamud on February 13, 2016, 04:38:06 PM
Asc. Dr waad ku mahadsan tahay aqbalada ad naga aqbashay inanu suallo kuso waydino adigoo nagu cawinayo aqoontada illahay haku barakeye.                                            Intas kadib Dr waxan kaa codsanaya inad igu cawiso jawabtotada labo Sua,allod.               1: Dr waxaa ixanuun labada miskood iyo dhabarka qaybta hose waan LA xiiray dhaqatiir badan oon ushegtay xanuunkayga kadib dawo ayaala ii qoray wan isticmalay walina xanuunk kii wuu ihayaa walina waxan ugu daranahay subaxdii markan hurdada kasoo kaco xoog ayay ii xanuunan suashasuasha 2; Dr nerfaha lugaha ayaa ixanuun walina waxan leyihiin wax kus kuusan oo bananka usoo baxay iyo xididada lugaha walina kuwa yar yar ee venioska oo bananka usoo wada baxay marka dre waxan rabaa inad illa talisid waxa samey illahay haku barakey
Title: Re: Su'aal: Neerfaha lugaha ayaa ixanuuna?
Post by: SomaliDoc on February 18, 2016, 01:26:41 PM
Cillada hore ka akhriso jawaabteed halkaan: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,4611.0.html)
Cillada dambane waxa kuuskuusan ma ahan neerfe ee waa xididada arooriyaasha, waxaana caafimaad ahaan loo yaqaanaa xaaladdaan "varicose veins" waxaana badanaa isku arko dumarka, waxaana laga dareemaa hal lug, cilladuna waa in dhiiga uu lugta kor u wadi la'dahay, waxayna badanaa ka dhalataa cadaadis xididkaas saarnaa muddo sida uurka oo kale, waana sababta la isku arko markii ay hooyada umul baxdo ka dib, daawayntiisu waa qallii lagu saxayo xididka, haddii aad sidisia ku daysane wax dhib ah kuuma keenayo, waxyaabaha caawiyo waxaa ka mid ah iskaalsho ama sigisaan laastiko ah oo lugta la galiyo si ay u caawiyaan xididka.
Qoraal faahfaahsan oo ku saabsan arrintaan waan ka hadli doonaa insha'llah.

Akhriso waxa neerfe laga wado: http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html (http://somalidoc.com/smf/index.php/topic,5549.0.html)