Somali Medical Forums

Diseases and Conditions => Qaybta Su'aalaha => Topic started by: Nuur12 on October 20, 2011, 01:56:39 PM

Title: Su'aal: Saameynta cunno qaadashada iyo galmada?
Post by: Nuur12 on October 20, 2011, 01:56:39 PM
waad salaaman tihiin dhamaan tiin bahda somdoc gaar ahaan dhaqaatiirta walaalohooda ku kaal mayna ya cilmigooda sida hagar la aan hadii aanad wax cunto ah qaadan maxay saamayn ku yeelankartaa galmada aad la samayso xaaskaaga energy intee leeg baase laga helaa cuntada xaga galmada waad mahadsan
Title: Re: Su'aal: Saameynta cunno qaadashada iyo galmada?
Post by: SomaliDoc on November 01, 2011, 09:15:44 PM
Fadlan cun cunno dabiici ah oo u badan borotiin sida hilibka, ukunta, beerka iyo kalluunka,
Cunnada ha noqoto mid isku dheellitiran.
Ka fogow cunnada gasacadaysan.
Ka fogow daawooyinka suuqa madow lagu gado oo loogu tala galay xoojinta galmada iwm.
Title: Re: Su'aal: Saameynta cunno qaadashada iyo galmada?
Post by: Nuur12 on November 03, 2011, 01:31:52 PM
waa mahadsantihiin dhamaantiin dhaqaatiirta iyo aqyaartuba laakiin su aashaydu waxay ahayd cunto la aan ma la galmoonkaraa
Title: Re: Su'aal: Saameynta cunno qaadashada iyo galmada?
Post by: CilmiSabca on November 03, 2011, 06:10:32 PM
Walaal nuur waan ku salaamay, salaan ka dib. Walaal su'aashaada jawaabteeda haddii aan kuu ifiyo waxaa weeyaan: cunto la'aan ama qofka oo baahan (qofka oo qatan) wuu galmoon karaa haddii uu caafimaad qabo oo uu xooggan yahay, inkasta oo aysan fiicneyn. Inta badan waxa fiican in uu san qofku galmo sameynin, haddii uu:-
- gaajeysan yahay ama uu san cunto fiican soo cunin 6dii saac ee ka horeysay waqtiga galmada xaadirka ah.
- haddii uu aad u dharagsan yahay oo uu cunto waqtigaas ka fara meydhay.
- haddii uu kaniini xoojiya liqay waqtiga galmada ay bilow tahay.
- haddii uu daalan ama uu xanaaqsan yahay ama uu werwersan yahay kd (ku wad.. Sii wad).
Marka walaal, waxaa haboon in mar walba hal saac ka hor loo diyaar garoobo galmada, tusaale ahaan: in marka la cunteeyo hal saac ka dib hawsha la bilaabo, in marka la qaato daawo, irbad IWM kd... Iyana saacad ka dib la bilaabo. Mar walbana waa in ay labada dhinac yihiin kuwo diyaar ka ah dhan walba sida ayagoo dharag dhacsan, soo qubeystay, gogol diyaarsan, caruurtii oo goor hore la habeeyey kd... IWM.
____
Walaal jawaabtaan waxaan ku saleeyey waayo aragnimadayda. Haddii aad qalad ku aragto, fadlan ka raali ahoow. Thanks.
Yours baraada.